"Ma Jirto Wax Khillaaf ah oo Golaha Deegaanka Burco ka Taagan.."

Monday June 09, 2025 - 18:48:27
hadhwanaagnews
Golaha deegaanku shaqadiisii si habsami ah oo hufan


Gudoomiye ku xigeenka gobolka Togdheer Siciid Axmed Raage oo ay warbaahinta maxaliga ah wax ka waydiiyeen khilaaf soo kala dhex galay masuuliyiinta golaha deegaanka Burco ayaa meesha ka saaray in khilaaf ka dhex jiro mudaneyaasha deegaanka Burco, waxaanu tilmaamay inay shaqadoodii si fiican u wataan, wararkaasina ay yihiin kuwo mala’awaal ah

 

Waxaanu yidhi " wax olole ah oo khilaaf ah oo golaha deegaanka ka jiraa ma jiraan, muddadii isbadelku dhacayna way dhawayd, imika maayirkii, maayir ku xigeenkii iyo xubnihii golaha deegaanka Burco way wada shaqaynayaan, wax khilaaf ah oo soo baxay ma jiraan, warar iska dacaayad ah oo Borobagaando ah way jiraan.

 

Golaha deegaanku shaqadiisii si habsami ah oo hufan ayuu u wataa, weliba maalintii dhawayd ee Ciidana si wanaagsan oo sharaf leh ayay uga shaqeeyeen goobihii lagu tukanayay ee la isugu soo baxayay, markaa arrintaasi wax khilaaf ah oo aan golaha ku ognahay ka jiraa majiraan.

 

Dhinaca kale gudoomiye ku xigeenka gobolka Togdheer oo la waydiiyay in xubno ka mid ah golaha deegaanka Burco ay warqad Mooshin ay ku dalbanayeen kal-fadhi aan caadi ahayn ay u soo gudbiyeen ayaa yidhi

 

"Warqadaasi haba yaraatee ma jirto, aniga ayaa xafiiskii gobolkii ku sime ka ah oo jooga, wax warqad ah oo la ii keenay ama mooshin ah ma jirto”

 

Gebo’gabadii gudoomiye ku xigeenka gobolka Togdheer Siciid Axmed Raage ayaa ka warbixiyay jidad magaalada muhiim u ah oo seesas lagu gooyay iyo calaamado gaar aha ayaa waxa uu sheegay inay hawshaasi xaliyeen, haddana ay jidadkaasi furan yihiin, dawladuna ka hawl gashay dhacdadaasi.

     
Loading...