Maayerka Degmada Oodweyne iyo Xildhibaan ka tirsan golaha deegaanka degmadaas, ayaa qaylo dhaan dheer oo abaareed u diray Xukuumadda, ganacsatada iyo qurbe joogga deegaanka gobolka Daad-madheedh.
Maayerka Degmada Oodweyne Maxamuud Macalin Maxamed Cali ayaa sheegay in ay hadda biyo la,aan ku sugan yihiin in ka badan 750 qoys oo ku sugan gudaha magaalada Oodweyne oo ah dad Danyar ah oo aan awoodin in ay iibsadaan foostada biyaha ah ee qiimeheedu kor u dhaafay 25 kun sida ay tira koob ku sameeyeen golaha deegaanka degmada Oodweyne.
Waxaa kale oo uu intaa raaciyay in deegaanada magaalada ka baxsan iyo tuuleyaashuna ay kaba sii nolol adag yihiin.
Waxaanu sidaa ku sheegay Maayerka degmada Oodweyne waraysi kaar ah oo Khadka taleefanka ay ku siiyeen wargeyska Dawan Maayerka iyo xildhibaan Xamse Maxamed Abokor oo ka tirsan golaha deegaanka degmada Oodweyne.
Maayerka oo ugu horrayn ka jawaabayay su’aal laga waydiiyay xaaladda abaarta ee degmada Oodweyne, ayaa yidhi. "xaaladda abaartu degada Oodweyne iyo guud ahaan gobolka Daadmadheedh ba way ka jirtaa deegaankuna waa xoolo dhaqto beeray sanad kan na roobkii Gugu tiix ayu uku ahaa dhaam xukuumaddii hore degmada ka qodayna waxyar oo biyo ah oo galay markiiba waa la cabbay markaa xaalad biyo la,aaneed oo daran ayaa deegaanka ka jirta oo imika foostada biyaha ahi waxay maraysaa 25 kun oo booyado ayaa Burco ka keena ceelashii dooxuna way gudheen markaa dadka intii xoolo u socon karaya haysatay way hayaameen oo xuduudka ayay tallaabeen intii jilicsanayd iyo xoolohoodii oo gurmad u baahan ayaa degmada iyo deegaanadeeda ku hadhay.”
Maayerka oo la waydiiyay in degmada marna xukuumadihii kala dambeeyay aanay ka qodin Riiq, ayaa ku jawaabay. "Marar badan ayaa Rig la keenay oo la isku dayay in laga qodo laakiin marna may suura gelin imika xukuumadda cusubi dhawaan ayay riig keentay muddo markii uu nala joogay oo bir ka jabtay la sugayay na markii loo keenay wuu naga tegay,markaa marna Riig biyoo d lagama qodin.”
Maayerka oo ka hadlayay tirokoob ay ku sameeyeen dadka jilicsan ee aan awoodin in ay biyo iibsadaan ee ku sugan degmada Oodweyne, ayaa yidhi "Imika degmada illaa 750 qoys oo jilicsan oo gargaar u baahan isla markaana aan awoodin in ay biyaha booyadaha ka iibsadaan ayaa ku sugan gudaha degmada deegaanada miyiga ahina way ka sii jilicsan yihiin oo dadka iyo xooluhuba gurmad ayay u baahan yihiin, waxaanan ugu baaqayaa Xukuumadda, ganacsatada, hay’adaha caalamiga ah iyo qurbejoogta gobolka Daad madheedh in ay dadka iyo duunyadaba gurmad la soo gaadhaan.”
Xildhibaan Khadar oo isna ka hadlayay xaaladda abaareed ee degmada Oodweyne iyo guud ahaan gibolka Daadmadheedh,ayaa yidhi "Deegaanka roobkii gugu muu helin oo sidii jiilaalkii ayay iskaga madhaayeen weelka biyuhu,dhaamkii Oodweyne na waxyar oo biyo ah oo galayna 7 cisho,ayaa lagu dhameeyay markaa guud ahaan gobolku waa biyo la,aan wxaanan xukuumadda iyo ganacsatadaba ka codsanaynaa in gurmad lala soo gaadho dadka iyo duunyadaba oo labaduba jilicsan oo ah intii hayaami kari wayday isla markaana aan awoodin in ay calaf xoolaad na duunyada u helaan biyo la,aan na jooga.”