"Waxaan idinkula dardaarmaya in aad xoojiysaan wadajirka, midnimada iyo horumarka."Ugaas Cabdirashiid

Monday August 25, 2025 - 12:33:46
hadhwanaagnews
Ugaasku waxa uu ku booriyay bulshada in ay ilaashadaan...
 

Ugaaska guud ee beelaha Samaroon, Ugaas Cabdirashiid Ugaas Rooble Ugaas Doodi, ayaa bulshada kula dardaarmay in ay xoojiyaan wadajirka, midnimada iyo horumarka.

Ugaasku waxa uu sheegay in taariikh cusub la jeexay oo ah in wixii bulshada ka maqan laga wada tashado, guddidana loo sameeyo sidii si hufan loogu shaqeyn lahayd.

Waxa uu ballanqaaday in isaga iyo madaxda dhaqankuba ay daacad ugu shaqeyn doonaan bulshada, isla markaana ay ku dadaali doonaan daryeelka dhulka iyo dadka.

Ugaasku waxa uu ku booriyay bulshada in ay ilaashadaan nabadda, ayna wadajir ahaan u adkeeyaan midnimada, isaga oo tusaale u soo qaatay in far keliya marka ay xanuunsato jidhku wada dareemayo, sidaas darteedna bulshada loo baahan yahay in ay hal xubin isku noqdaan.

Sidoo kale, waxa uu Alle ka baryay in laga dulqaado abaaraha iyo dhibaatooyinka jira, caafimaadna la siiyo bulshada, midnimadana la xoojiyo.

Ugaasku waxa uu si gaar ah uga mahadnaqay soo dhaweynta iyo kalgacalka ballaadhan ee bulshada ay u muujiyeen tan iyo markii uu yimid, isaga oo bulshada ugu duceeyay khayr iyo horumar.

Waxaanu yidhi."Wadajirka iyo horumarka aad wadaan waa mid lagu farxo waa taariikh aad maanta jeexdeen inaan hore usocono oo wixii innaga maqan oo dhan kawada tashano guddida la sameeyayna sidaasi ayay u wanaagsan yihiin oo u shaqeynayaan waxaanu ALLE ka balanqaadayna in aanu bulshadeena u shaqeyno,

 daacad u ahaano kuna dadaallo dhulkeena iyo dadkeenaba inaan daryeelo wixii innaga maqana siwanaagsan u raadino ayaa innaga balan ah, nabadgelyada aynu haysanana inoo adkeeya wadajirkeenuna ha adkaado, xubin kaliya aynu isku noqono far haday xannuunto jidhkii wada dareemayo aynu isku noqono.

Wadajirkeena Alle hayno adkeeyo, abaaraha iyo dhibaatada Alle haynaga saaro, Alle caafimaad hayna siiyo nin walba muraadkiisa Alle haw sahlo, khayr Alle haydin siiyo caafimaad Alle haydiin siyo, midnimadeena Alle haynoo xoojiyo.

Aad iyo aad ayaan idinka mahadcelinaya sida fiican ee aad ii soo dhaweyseen ilaa maantana soo dhaweyntiini iyo farxadiini ay nnagu socoto aad iyo aad ayaad u mahadsan tihiin”
     
Loading...