Hargeisa(HWN):-Xukuumadda
Somaliland ayaa qaaday olole lagu qabqabanayo dadka Itoobiyaanka ah ee aan
sharciga haysan si loogu celiyo dalkoodii.
Ciidammada
Booliiska magaalada, oo wata baabuurta shabaqa leh ee Maxaabiista lagu qaado,
ayaa saaka lagu arkay goobaha suuqyada iyaga oo qabqabanaya dadka Itoobiyaanka
ah ee sharci la’aanta ku jooga Somaliland.
Inkasta oo ay jiraan dad badan oo Itoobiyaan ah
oo Somaliland ku jooga kaadhadh qaxooti iyo fiisayaal, isla markaana shaqaysta,
haddana waxa jira kuwo sannadkasta si sharci darro ah ku soo gala, kuwaas oo
mararka qaar dib loo celiyo.
Dadkan, oo u badan qoomiyadda Oromada ee ugu
ballaadhan dalka Itoobiya, ayaa intooda badan ah bulsho danyar ah, kuwaas oo
qabta shaqooyinka hoose sida maydhista baabuurta, halka qaarkoodna dawarsadaan.
Dowlad-goboleedka Puntland ee Soomaaliya ayaa
sidoo kale qaaday olole la mid ah kan Somaliland, ka dib markii lagu tuhmay in
dad Itoobiyaan ah ay ku lug yeesheen falal argagixiso.