Dhibaato Kama Jirto Deegaanka Duudweyne Dadka ka Hadlayna Waa Niman Xaalad Abuur ah"

Monday May 12, 2025 - 11:24:56
hadhwanaagnews
Guddoomiyaha degmada Dila waxaa kale oo uu ka hadlay



Guddoomiyaha degmada Dila Aadan Cismaan Sidci, ayaa waxba kama jiraan ku timaamay waxyeello deegaan oo ay ka hadleen qaaar ka mid ah odayadayaasha deegaanka Duud-weyne ee degmada Dila oo eedeeyay mid ka mid ah dadka deegaanka oo wasaaradda macdanta iyo Tamarta Somaliland sharciyad u siisay in uu beertiisa dhigto mishiin dhagxaanta kala saara oo meel beertiisa ka mid ah uu dhisme uga sameeyay.

 

Waxaanu guddoomiyaha degmada Dila intaa ku daray in aanay jirin illaa hadda wax qalab ah oo uu keenay ninkaasi, balse dhismihii uun uu sameeyay.

 

Guddoomiyaha degmada Dila waxaa kale oo uu ka hadlay dabbaal degga 18 May ee sannadkan oo uu sheegay in ay qorshaynayaan in degmooyinka dalka ay kaalinta koobaad u galaan marka laga reebo magaalo madaxyada gobolada dalka.

 

Guddoomiyaha degmda Dila waxaa uu sidaa ku sheegay waraysi gaar ah oo uu khadka telafoonka ku siiyay Wargeyska Dawan.

 

 

Guddooomiyaha degmada Dila oo wax laga waydiiyay qaylo dhaan deegaan oo ka soo yeedhay qaar ka mid ah odayaasha deegaanka Duudweyne ee degmada Dila oo sheegay in deegaankaas oo beeralay xoolo dhaqato ah in la keenay shirkad halis ku ah nolosha dadka, Duunyada iyo deegaanka ba,? ayaa ku jawaaay sidan "Deegaanka Duudweyne wax dhibaato ahi kama jirto wax deegaanka iyo duunyada waxyeelo ku ah oo la keenayna ma jirto, nin ka mid ah dadka deegaanka oo beertiisii ku taallo oo boholihiisi ku yaallaan, ayay wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Somaliland soo siiyay sharci, kaas oo ah Mishiin dhagxaanta lagu burburiyo oo Dahabka loo isticmaalo in uu beertiisa dhex dhigto, markii uu dhismaha beertiisa ka bilaabay ka degmao ahaan waanu tagnay, waanu eegnay sharciyadda uu sito ka degmo ahaan iyo illaa heer gobol ba waanu eegnay, waxaanan u cabirnay inta uu dhismahaa ka dhisi karo ee aanu dhaafi Karin, dadka deegaankuna way ogaayeen imikana dhiskii ayuun buu dhisay ee wali Mishiinkii ma buu keenin. Waxaanu u haystaa sharcigii ay soo siisay wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Somaliland. halka uu ka dhistay ee uu dhigayaana waa beertiisa oo reerkiisii degan yahay, qofna qoyskiisa iyo beertiisa ma sumeeyo, meelo kale oo badanna mishiinka dhagxaanta lagu burburiyaa wuu yaallaa, wax qaylo ah oo ka timina ma jirto, odayaasha hadlayna waan arkayay ee illaa Madaxweynaha baaqa u dirayay ,wax ay baaq ka soo saaraan na meesha ma yaallo, ka degmo ahaan na waanu tagnay iyaguna way ogaayeen markii dhismaha uu sharciga u haysto aanu usoo cabirmay, waxaanan u arkaa in ay yihiin xaalad abuur, sababtoo ah annaga oo degmadii ah noomay iman gobolka may tegin markaa waa arrin qaldan waxa ay ka hadlayaan wax wali halkaas la keenay oo qalab ahina maba jiro waana waxba kama jiraan hadalkoodaasi.”

 

Guuddoomiyaha degmada Dila oo ka jawaabayay su’aal laga waydiiyay sannadkan iyo dabbaaldegga qaran ee 18 May waxa u qorshaysan, ayaa yidhi. "Doorarkii horena kaalinta ugu horraysa gobolka Awdal degmooyinkiisa marka Boorama laga reebo annaga (degmada Dila) ayaa geli jirnya, doorkan iyo xuska maalinta qarannimada Somaliland na waxaa noo qorshaysan in aanu kaalinta koobaad degmooyinka dalka oo dhan u galno, marka laga reebo magaalo madaxyada gobolada oo imikaba si wayn ayaan u diyaar garawnay oo calamadii iyo astaamihii qaranka waxaanu raacinay waddda. Dhan kasta degmada waanu u dhaafinay oo si fiiican ayay noogu socotaa qaban qaabada xuska maalinta qarannimada Somaliland ee 18 May, waana laga yaabi doona wacdaraha aanu dhigno.” ayuu yidhi guddoomiyaha degmada Dila Aadan Cismaan Sidci oo waraysi gaar ah Khadka taleefanka ku siiyay wargeyska Dawan.

     
Loading...