Faallo:-Xukuumadda Cabdiraxmaan Cirro Oo La Fillaayo inay ku Guulaysato Aqoonsiga Somaliland

Tuesday February 18, 2025 - 02:21:31
Faallo:-Xukuumadda Cabdiraxmaan Cirro Oo La Fillaayo inay ku Guulaysato Aqoonsiga Somaliland

 

Hargeisa(HWN):-Madaxweynaha Somaliland Mudane, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa wadda deddaalo lagu dardar-gelinnaayo Aqoonsiga Jamhuuriyadda barakaysan ee Soomaalilaand, kadib markii ay hawshaas meel sarre gaadh-siiyeen Xildhibaanno ka tirsan goleyaasha Maraykanka iyo UK oo u olaleeya in Soomaalilaand ay Ictirraaf hesho.


Madaxweynaha Somaliland Mudane, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa safarkiisii ugu horreeyay ku tagay dalka isu-tagga Imaaraadka carabta, halkaas oo lagu qabannaayay Shirweynaha Madaxda Caalamka. Madaxweyne Cirro ayaa khudbad dhinacyo badan taabannaysa u jeeddiyay Madaxdii ka socotay dawladdaha Caalamka ee shirkaas ka qayb-gashay.

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ayaa madashaas kaga hadlay Dawladnimaddda Soomaalilaand iyo sida ay u dhammaystirtay shuruudihii looga baahnaa, waxaannu Madaxdii ka socotay dawladdaha adduunka u sheegay in Soomaalilaand ay gaadhay xilligii la aqoonsan lahaa, isla markaanna adduunku uu garowshiyo ka bixin lahaa deddaallada iyo horumarka ay samaysay Jamhuuriyadda Somaliland, taasoo ku taal goob istaraaji ah.

"Waxaan ahay Madaxweynaha Somaliland. Somaliland waa mid ka midda Dalalka soo socda ee Mustaqbalka caalamka hoggaamin donna” Sidaa waxa yidhi Madaxweynaha Soomaalilaand Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro oo khudbad dheer ka jeeddiyay shirweynahaas ka dhacay dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta.

Madaxweynaha Soomaalilaand Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi waxa uu sheegay inay dardar-gelin doonaan barnaamijka Ictirraaf raadinta Somaliland, isla markaanna ay dib u abaabuli doonnaan Saaxiibbada Somaliland ee beesha Caalamka, kuwaasoo ay ugu horreeyaan dawladdaha Maraykanka iyo UK.

Si kastaba ha ahaatee waxa la rajaynayaa in muddo-xileedka Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro in wax wayn laga qaban doonno arrimaha Siyaasadda arrimaha dibadda iyo Ictiraaf raadinta Somaliland, oo muddo-xileedkii Muuse Biixi Cabdi si wayn hoos u dhac ugu yimid, inkastoo hadda ay socdaan deddaalo lagu xoojinnaayo Saaxiibadda Somaliland ee dalalka caalamka.


     
Loading...