Waxa uu ka soo sheekeeyay Madax banaanida Somaliland
Julian McBride oo hore uga tirsanaan jiray Ciidamadda Badda ee Dalka Maraykanka, hasayeeshee hadda ah
Saxafi Madax Banaan ayaa maqaal uu Qoray Ciwaan uga dhigay "Somaliland si qarsoodi ah ayaa u noqoneysa goob khatar ah oo ka jirta gobolka."
Waxa uu ka soo sheekeeyay Madax banaanida Somaliland iyo taariikhdeeda, hasayeeshee dulucda Maqaalkiisa oo ahayd hadda iyo Waxa socda Waxa uu kaga hadlay Xiisadii ka dhalatay Heshiiskii Isfaham ee Somaliland iyo Itoobiya, kaas oo ay Dawladda Masar u aragtay in ay ku difaacan karto Biyo xidheenka Abay.
Masar iyada oo Danteeda u ordaysa Waxa ay Soomaaliya tustay in ay la dareen tahay.
Sidoo kale Xiisada Wadamada Reer Galbeedka iyo u dhaxaysa Iran oo taageeraysa Xuutiyiinta ayaa iyana Somaliland indhaha caaalamka ku soo jeedisay.
Reer Galbeedka Waxa ay Somaliland u arkaan meel ay ka difaacan karaan danahooda, Somaliland waxa u cad aqoonsi in ay ku hesho bogcada la wada majeertay ee ay kaga taalo Geeska Afrika.