Rabadantii Galaafatay Wasiirkii Diinta Iyo Awqaafta Somaliland.

Saturday March 29, 2025 - 17:41:20
hadhwanaagnews
Aakhirkii waxa timid Ciidul Fidridii, intii badnayd

Sannadkii 1999-kii waa dawladdii madaxweyne Cigaal ‘AHN’ waxa Wasiirka Awqaafta ka ahaa Sheekh Aayatulle. Wuxuu ka tirsanaa wadaaddada Qaadiriyada, waxaanay isku kacsanaayeen wadaaddadan dambe.

Curashadii bishii Rabadaan ee sannadkaasi ayaa la isku qabtay in Sucuudiga iyo dalalka Carabta la raaco iyo in laga hadho. Inta badan shicibkii reer Hargaysa waxa ay la soomeen Sucuudiga iyo Carabtii oo sheegay in bishii la arkay, hasayeeshee Sheekh Aayatulle ayaa ku adkaystay in aan la raacin.

Aakhirkii waxa timid Ciidul Fidridii, intii badnayd caalamu Islaami ayaa isku raacday in la Ciido. Hasayeeshee Wasiirkii Awqaata Sheekh Aayatulle ayaa warbaahinta dawladda ka sheegay in aanay berri ahayd Ciidul Fidri oo laba cisho ka dib ay noqon doonta Ciidu. Laba cisho iyada oo la Ciidsan yahay ayuu Sheekh Aayatulle ku adkaysanayey inay Rabadaan tahay.

Ka dib waxa madaxtooyada Soomaalilaan ka soo baxay warsaxaafadeed uu ku saxeexan yahay afhayeenkii xilligaasi Cabdi Idiris Ducaale 'AHN' oo xilka lagaga qaaday Wasiirkii Awqaafta Aayatulle. Warsaxaafadeedka waxa la socday hadal u dhignaa sidan” ka dib markii aan arkay in aad Diinta barbar cararayso.” Bal adba......

W/Q: Cali Cabdi Coomay
     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...