Dhinaca kalena SSC ka taageerayso sidii u waxyeelayn
Warbaahinta Israa’iiliyiinta ayaa soo tabiyay in Dawladda China ay Midawga Afrika iyo saaxiibadeeda kaleba ka dhaadhicinayso sidii aan Somaliland oo u janjeedha Wadamada Reer Galbeedka iyo Imaaraadka Carabta aan loo Aqoonsan lahayn.
Dhinaca kalena SSC ka taageerayso sidii u waxyeelayn lahayd nabada iyo Dimuqraadiyadda Somaliland
China oo ka cadhaysan Xidhiidhka u dhaxeeya Somaliland iyo Taiwan oo Sidoo kale is dhaafsaday aqoonsi labada dhinac ah ayaa Wargeyska The Times oo ka soo baxa Israa’iiliyiintu uu sheegayaa in Xukuumadda Shiinuhu ay u aragto SSC oo ay taageerto in ay ku wiiqi karto jiritaanka Somaliland.
Dhinacyadda Diblomaasiyada iyo Dhaqaaleba Waxa ay ku bixinaysaa China in ay ku carqaladayso Gobolka Sool ee Somaliland ayuu wargeysku warbixinta uu Qoray ku yidhi.