Madaxweynaha Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa sheegay in Somaliland ay diiradda saartay xoojinta xidhiidhada saaxiibtinimo ee ka dhexeeya beesha caalamka, taas oo uu ku tilmaamay mid horseedi karta aqoonsi caalami ah iyo maalgashi shisheeye.
Madaxweynu waxa kale oo uu sheegay in Imaaraadka Carabtu oggolaaday in uu maalgashado wax-soo-saarka beeraha, kalluumeysiga, xoolaha, iyo in uu horumariyo waddooyinka iyo waxbarashada. Madaxweyne Cirro waxa uu intaa ku daray in ay xoogga saareen sidii loo heli lahaa Somaliland la wada leeyahay, taas oo bulshada lagu wada dareensiinayo hoggaanka oo ay ka wada qaybgalaan.
Waxa uu xusay in ay kulamo la yeesheen qaybaha kala duwan ee bulshada si talo midaysan loo helo, islamarkaana ay ka go’an tahay horumarinta geeddi-socodka dimuqraadiyadda.
Madaxweynaha ayaa sheegay in uu dhawaan safarro ku tegi doono dalalka Jabuuti iyo Itoobiya, oo uu ku tilmaamay saaxiibo iyo jaar soo jireen ah oo Somaliland leedahay.
Waxaanu yidhi "Waxa ay Xukuumadaydu dadaal weyn gelisay dib u soo noolaynta xidhiidhadii caalamiga ahaa, iyo saaxiibadii ay Jamhuuriyadda Somaliland ku lahayd dunida. Waxa aanu ka shaqaynay in codka Somaliland laga maqlo fagaarayaasha caalamiga ah.
Siyaasaddayadu waa in aannu dunida ku qancinno aqoonsiga Somaliland, kaas oo aynnu xaq sharci ah u leenahay cid kasta oo innagu garab siisana aynnu ugu hayn doonno abaal raaga iyo saaxiibtinimo ku dhisan dano is dhaafsi.
Waxaa sharaf noo ah, muddadii koobnayd ee Xukuumadani jirtay, in aannu kulamo midho dhal ah la yeelannay madaxda dawladda aynu saaxiibka nahay ee Isu-tagga Imaaraadka Carabta.
Waxa ay naga aqbaleen inay dalkeenna maalgashadaan iyo in ay gacan innaga siiyaan sidii wax-soo-saarka Jamhuuriyadda Somaliland loogu heli lahaa suuqyo cusub oo caalami ah. Sida oo kalena ay ganacsatada dalkooda ku dhiirrigeliyaan, kuna garabsiiyaan maalgashiga Jamhuuriyadda Somaliland, gaar ahaan dhinacyada Xoolaha, beeraha, kalluunka iyo macdanta.
Hawshaas dhammaystirkeeda waxaa hadda ku hawllan guddiyo farsamo oo aynu labadeenna dhinac u magacownay.
Dawladda Imaaraadku waxa ay innaga caawin doontaa kaabayaasha caafimaadka, waxbarashada, Biyaha iyo waddooyinka.
Waxa aan ka qaybgalay shir-sannadeedka caalamiga ah ee dawladaha oo lagu qabto Magaalada Dubai, anniga oo martiqaad rasmi ah ka helay dawladda Imaaraadka. Shirkaas waxa ka soo qayb galay in ka badan 140 dal, waxaan yimaada madaxweynayaal, Raysal wasaarayaal, madaxweyne ku xigeeno, wasiiro, madax hore oo caan ah, shirkadaha dunida ugu waaweyn iyo maalgashadayaasha adduunka ugu waaweyn.
Shirkaasi waxa uu dardargeliyey xidhiidhada caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo in miisaankeenna diblumaasiyadeed uu ku soo noqdo fagaarayaasha caalamiga ah.
Sido oo kale waxa uu ahaa fursad aynu suuq-geyn weyn ugu samaynay khayraadkeenna dihin ee maalgashiga caalamiga ah u baahan.
Fariinteennii Jamhuuriyadda Somaliland ee aan ka dirnay shirkaas waxa ay gaadhay in ka badan 50 million oo qof oo dunida daafaheeda ku nool.
Waxa aanu xidhiidho iyo galangal muhiim ah oo diblumaasiyadeed la yeelanay, dalalka muhiimka ah ee innaga kaalmayn kara qadiyaddeenna.
Waxaa ka mid ah Maraykanka oo aannu xoojinnay, dadaallada aanu ku sii dhiirrigelinayno danayntiisa Somaliland iyo Ingiriiska oon ka helnay kaalmo dhinaca ammaanka ah iyo iskaashiyo dhinacyo badan leh.
Dalalka saamaynta ku leh siyaasadda Geeska Afrika iyo daneeyeyaasha caalamiga ahiba, waxa ay innagu bogaadiyeen dadaallada qarameynta, nabadaynta, iyo dib u heshiisiinta ah ee aynu ka wadno goballada bariga Jamhuuriyadda Somaliland.
Dadkayga waxa aan kala dedaalayaa dib u dhac nololeed iyo isku dhac umadeed, taas baana i faraysa in aan gacanna kaga shaqeyno horumarka, gacanna nabadgelyada iyo ammaanka.
Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay sii xoojinaysaa xidhiidhka taariikhiga ah ee ku dhisan deris-wanaagga, walaaltinimada iyo iskaashiga, ee aynu la leenahay dalalka Itoobiya iyo D.jibouti, waxaanay qorshaynaysaa safarro aannu ugu bixi doonno dalalkaas.”
Geesta kale Madaxweyne Cirro waxa uu ka hadlay aqoonsiga ay dhawaan Dowladda Soomaaliya siisay SSC-Khaatumo, waxaanu sheegay in Somaliland aanay gorgortan ka geli doonin midnimadeeda dhuleed, maadaama gobolka Sool uu ka mid yahay dhulka Qaranka JSL.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale cambaareeyay socdaalkii Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, uu ku yimid magaalada Laascaanood, isaga oo ku tilmaamay xadgudub cad, isla markaana sheegay in taas ay kaga jawaabeen joojinta wadahadalladii u dhexeeyay Somaliland iyo Soomaaliya.
Waxaanu yidhi "Xukuumadda Somaliland mowqifkeeda ku aaddan imaatinkii Wasiirka 1-aad ee Soomaaliya ee deegaanka bariga Sool ee Somaliland, waxa ay ku cadaysay war murtiyeedkii aan ka soo saarnay shirkii 16-aad ee Golaha Wasiirada Jamhuuriyadda Somaliland ee aan shir guddoominayey arbacadii, 16-kii April 2025, kaas oo Jamhuuriyadda Somaliland ay ku laashay wada-hadaldii Somalia.
Xukuumadaydu waxa ay beesha caalamka ku wargelisay in imaantinka Wasiirka 1aad ee Soomaaliya uu yahay ku xad gudub Qaranimada Somaliland iyo dagaal qaawan oo Soomaaliya ku soo qaaday Jamhuuriyadda Somaliland si ay ugu Khalkhal geliso, una wiiqdo dadaalada nabadaynta, iyo walaaleynta ah ee ay Jamhuuriyadda Somaliland waddo oo tacab weyn iyo halgan adag ku yimi, mar labaad, waxa aan ka digeynaa in xadgudubkaasi uu sababi karo colaado sokeeye oo soo degdega.
Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay dalalka deriska ah iyo beesha caalamkaba ku wargelinaysaa in ay sii wadayso dadaaladeeda nabadeynta, walaaleynta iyo deris wanaagga, haseyeshee, waxa ay xasuusinaysaa inay awood buuxda u leedahay in ay gardaro kasta iska”