DEG DEG "Nabadgelyada Ceerigaabo waa mid ay tacab badan galiyeen, dhalinyarada, waayeelka iyo waxgaradka Gobolka

Saturday August 31, 2024 - 12:37:39
hadhwanaagnews
Sidoo kale waxa uu xusay in nabadgelyada ay Ceerigaabo..


Guddoomiyaha Gobolka Sanaag Mudane Axmed Cabdi Muuse, ayaa ka hadlay xaalada nabadgelyo ee gobolka Sanaag, ayaa sheegay in Ceerigaabo ay nabadgelyo tahay isla markaana ay wax waliba sidii loogu talo galay u socdaan.


 

Sidoo kale waxa uu xusay in nabadgelyada ay Ceerigaabo ku naaloonaysa ay tahay mid ay tacab badan galiyeen dhallinyaradu, waayeelka, waxgaradka iyo haweenku oo iskàashanaya.


 

Geesta kale waxa uu caddeeyay in Ceerigaabo aanay ahayn mid nabadgelyadeeda lagaga burburin karo baraha bumahada.


 

Waxaanu yidhi. "Ceerigaabo waa nabadgelyo, bulshaduna si nabdoon bay u wataan howl maalmeedkooda, Alle ayaanu ugu mahadnaqaynaa markasta”.


 

Sidoo kale waxa uu xusay in nabadgelyada ay Ceerigaabo ku naaloonaysa ay tahay mid ay tacab badan galiyeen dhallinyaradu, waayeelka, waxgaradka iyo haweenku oo iskàashanaya.


 

Waxaanu yidhi. "Nabadgelyada Ceerigaabo waa mid ay tacab badan galiyeen dhalinyarada, haweenka, madax dhaqameedka iyo waayeelkooda oo isku duubani.”


 

Geesta kale waxa uu caddeeyay in Ceerigaabo aanay ahayn mid nabadgelyadeeda lagaga burburin karo baraha bumahada.


 

"Nabada Ceerigaabo ma aha mid baraha bulshada iyo meel la mid ah laga jawi bedeli karo, cid kasta oo been iyo xasarad ka wada baraha bulshadu ku xidhiidho, waxan odhan lahaa ALLEka cabsada oo hubsada waxa aad sheegaysaan.”


 

Guddoomiyuhu waxa uu hoosta ka xariiqay in aanay ogeyn waxgarad diiday nabadgelyo in lagu wada noolaado iyo cid isku khilaafsan nabadgelyada Ceerigaabo.


 

Waxaanu yidhi "Ka maamul ahaan ma ogin waayeel nabad diiday iyo cid isku khilaafsan nabada Ceerigaabo, si buuxda waxanu uga wada shaqaynaynay nabadgelyada waanuna sii wadi doonaa ILLAAHEY yidhaahdo.”


 

Dhanka kale waxa uu bulshada ku ammaanay sida ay ciidamada amaanka gacan uga siiyeen sugida amniga.


 

Waxaanu yidhi. "Waxan aad ugu mahadnaqayaa dhamaan bulshada ku dhaqan magaalada Ceerigaabo sida milgaha leh ee ay u gacan siinayaan ciidanka kala duwan ee sugaya amaanka magaalada, Alle nabada ha inoo adkeeyo”

     
Loading...