DEG DEG Roobab Dabaylo Watay oo Baabiiyay Dhismeyaal Faro-badan oo ku Yaala Magaaladda Saylac ee G Selel

Saturday September 07, 2024 - 15:21:31
Hadhwanaag
Waxaanu yidhi "Roobkani ayaa watay dabayl xoogan, meelaha,,



Laba qof ayaa ku dhaawacmay in badan 80 gurina way ku burbureen roobab dabaylo watay oo habeen hore ka da’ay magaaladda Saylac, ee caasimadda gobolka Selel.

 

Masuuliyiinta dawladda hoose ee degmadda Saylac, ayaa kormeeray xaafadaha ay dhibaatadda gaadhsiisay duufaanta ku dhufatay magaaladda Saylac, goobahaasi oo ay ka mid yihiin dugsiyo waxbarasho, xarumo caafimaad, iyo guryo ay dad shacab ah deganaayeenba.

 

Maayar ku-xigeenka degmadda Saylac, Daahir brkhad Cali, oo hogaaminayay masuuliyiintii soo kormeeray goobaha ay waxyeeladda soo gaadhsiiyeen roobabkaasi dabaylaha watay, ayaa tilmaamay in meelaha ay dhibaatadu gaadhay ay u jiraan xarumo caafimaad, kuwo dawladeed, iyo guryo ay dad shacab ah deganaayeen.

 

Waxaanu yidhi "Roobkani ayaa watay dabayl xoogan, meelaha uu wax soo gaadhsiiyayna waxaa ka mid ah cusbitaalka magaaladda, Iskuulo, xarumo caafimaad ama MCH-yo, xarunta laanta socdaalka, iyo meelo kale”.

 

Sidoo kale Agaasimaha waaxda arrimaha bulshadda ee dawladda hoose ee degmadda Saylac, Eng. Khaalid Cali Nuur, oo isna ka warbixiyay tiradda guryaha iyo xarumaha dawladeed ah ee ay dabayshu baabiisay.

 

"Duufaantaasi oo aad u balaadhnayd waxay saamayn weyn ku yeelatay, dhamaanba xaafadaha magaaladda, haday tahay xaruma dawladda, dugsiyadda waxbarashadda, iyo guryo ay dad shacab ah deganaayeen ba.

 

Dabayshaasi waxay dumisay guryo badan oo ilaa 80 guri gaadhaya. Sidoo kale dadka qaarkood ayay dhaawacyo fududi soo gaadheen” Eng. Khaalid Cali Nuur, agaasimaha dawladda dawladda hoose ee Saylac.

 

Geesta kale xoghayaha dawladda hoose ee degmadda Saylac, Cilmi Sheekh Sahal Faarax, ayaa isna ka hadlay baaxadda dhibaatadda soo gaadhay dhismeyaasha magaaladda Saylac, ee ay duufaantu u gaysatay, kuwaasoo gaadhaya ilaa 80 guri.

 

"Saacadu markay ahayd 11:30 habeenimo ee habeen hore ayay duufaantaasi magaaladda kaga timid dhinaca Badda, guryo badan oo ay dad shacab ahi deganaayeen ayaana bur-buray, xarumaha dawladana qaarkood ayaa baaba’ay.

 

Ilaa hadda waxaanu haynaa laba qof oo dhaawac ah, kuwaasoo mid koodna uu dhaawaciisu culus yahay, midka kalena dhaawaciisu uu fudud yahay. Gurmad qaran ayay u baahan yihiin dadkaasi, oo anaga naga awood badan. Anaguna wixii aanu u qaban karno, waanu u qabanaynaa” ayuu yidhi xoghayaha fulinta dawladda hoose ee Saylac.

     
Loading...