Dayacan Somaliyeey,Distorkiinu Waa Qabyaalad,Dushana Dawladaad Tahiin.

Friday August 09, 2024 - 11:13:35
Hadhwanaag
Dalkiinaad Ololiseenood,Dabiyo Halac Aad Sudhen,



Dunida Waxa Kaga Hadheen,Waxa Dabarkiina Jaray,

Dagaaliyo Waa Colaadoh,Damaynon Dariiq Lahayn,


Dunidu Waxay Dhaaftayba,Derajo Aad Moodaysaan,

Degel Qudha Idinko Ahaa,Dharaartaad Kala Dideen,


Dalkiinaad Ololiseenood,Dabiyo Halac Aad Sudhen,

Dalkiino Dihin Dhamaan,Dawaraydin Ka Door Bideen,


Daacadnimadin Way Yartahay,Diintiinuna Waa Islaam,

Danaystuun Bay Noqdaan,Kuwaad Soo Doorataanba,


Dadkii Kale Mooyidoodee,Dirka Iyo Daarood Hawiye,

Dalkii Way Dulaynayaan,Haddaan Daayin Talo U Bixin.


Ismail Abdillahi Handuleh.

     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...