Somaliyeey Dayacan,Dusha Dawlado Sheego,Distorkaagu Qabyaalad.

Thursday August 08, 2024 - 07:53:04
hadhwanaagtv
Tu Khaas Ahna Bahda H/W Iyo Akhristayaasha.



Bismillaahi Alraxmaan Alraxiim [A.S.C.W.R.W.B]

Tu Khaas Ahna Bahda H/W Iyo Akhristayaasha.


 

1-Dunidan Maanta La Jooga,Danley Bay Noqoto,

Dadkastaba Dalkiisa Dawladiisu U Samaystuu,


Doonayaa Jirideedo,Dadaalkooday Geliyaano.

 

2-Danahooday Wataane,Daacadi Meesh Ma Taalo,


Doqontaan Wax Ogayne.Laysuna Diirnixmaayo,

Demenoow Magacabe,Daadka Maad Iska Moosi.


 

3-Dunidii Ku Wareertay,Gantaad Duubanaysaano,

Dockastawga Wareegte,Daasho Dirganweyde,


Anaguna Soo Debcimayne,Dantiin Maad Garatan.

 

4-Deeq Shisheeye Ku Siiyo,Dulaysa Kaaga Danbeya,


Duumo Weeye Qarsoono,Dadkaagay Kala Qaybino,

Debnahaas Kugu Yaalah,Dareen Bay Ku Dhex Beeri.


Dawana Loo Heli Maayo,Iyagaasaaba Isdiidan.


Ismail Abdillahi Handuleh.

 

 

     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...