Askari ka Tirsan Ciidanka Booliska Somaliland Oo Lagu Toogtay Degmo Ka tirsan Gobolka Selel

Thursday July 18, 2024 - 06:40:14
Askari ka Tirsan Ciidanka Booliska Somaliland Oo Lagu Toogtay Degmo Ka tirsan Gobolka Selel


Sarkaal ka tirsanaa Ciidamada Booliska Somaliland, ayaa waxaa lagu toogtay degmada Xariirad oo ka tirsan gobolka Selel.

Sarkaalkan la toogtay ee booliska Somaliland ka tirsanaa, ayaa waxaa la odhan jiray Siciid Xasan Xaaji Ibraahim.

Marxuumka, ayaa waxaa shalay gelinkii dambe meel u dhow Kastamka Degmada Xariirad ku toogtay Askari isna ka tirsanaa Ciidanka Booliska oo ay degmadaasi wada joogeen.

Askariga dilka gaystay, ayaa goobta ka fakaday, kadib markii uu toogtay sarkaalka, waxaana lagu soo waramayaa in gacan ku dhiiglaha ay dad deegaanka ahi ka gacan siiyeen baxsashadiisa.

Marxuum Siciid Xasan Xaaji, ayaa xalay cisbitaalka guud ee magaalada Hargeysa ugu geeriyooday dhaawacii ka soo gaadhay rasaasta, kadib markii ay madaxa kaga dhacday oo ay dhex fadhiisatay xabadu.

Waxaa la sheegay in Marxuumka iyo Askariga gacan ku dhiiglaha ahi ay wada fadhiyeen meherad u dhow Kastamka degmada Xariirad.

Sidoo kale, waxaa la sheegay in marxuumka la dilay uu hore uga badbaaday shirqool dil ah oo uu Askariga maanta toogtay la damacsanaa.

Kiiska dilka, ayaa Ciidamada Boolisku u xidheen Haweenay qayb ka ahayd qorshaha dilka sarkaalka, waxaana lagu waramayaa inay ciidamadu ay wadaan baadhis ay ku soo qabanayaan dadkale oo gacan ku lahaa qorsha dilka sarkaalka.

Ciidamada Booliska Somaliland, ayaa ilaa iyo hada baadi goob ugu jira sidii ay gacanta ugu soo dhigi lahaayeen Askariga gacan ku dhiiglaha ah ee sarkaal toogtay.


     
Loading...