Horow Qabo Uun Ha Odhane,Hubsiima Lagu Dara,Waxaad Haysata Hantiya,

Tuesday September 17, 2024 - 12:07:07
hadhwanaag
Tu Khaas Ahna Bahda H/W Iyo Akhristayaasha.



Bismillaahi Alraxmaan Alraxiim [A,S.C.W.R.W.B]

 


 

 

1-Hooyadii Ruuxii Hagraday,Hadh Maadu Kuu Jiidaya,

 

Habaarqabe Hoyba Ma Leh,Halkuu Kugu Hoynayaa.


 

 

2-Hubsiimuu U Bahanyahay,Hayaankaad Guuraysaye,

 

Horseed Sahan Diro Horti,Adon Heeryada Ku Rarin.


 

 

3-Hanweynba Lagu Hodma,Hanaan Qaran Lagu Dhisaa,

 

Hiinraacun Lama Noqde,Halabuur Yeelo Iyo Higgaad.


 

 

4-Hantida Aad Haysataba,Haboonaan Lagu Dhaqdaa,

 

Hagaagba Loo Socdaaye,Halaag Weeyaan Hunguri.


 

 

5-Haddaad Leeday Himilo Nool,Hanuun Bay Ku Tahayo,

 

Halista Way Kaa Hagtaye,Hacoogaan Garanahaynin.


 

Ismail Abdillaahi Handuleh.

     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...