Baanka Dhexe iyo Golaha Wakiillada ee JSL oo Kawada Hadlay Dadajinta Xeerarka Maaliyadeed ee Horyaala

Wednesday August 07, 2024 - 09:04:21
hadhwanaag
Waxaanu yidhi . "Masuuliyiinta baanka dhexe ee Somaliland



Guddoomiyaha baanka dhexe ee Somaliland Mudane Cali Cabdillaahi Daahir iyo masuuliyiinta kale ee baanka ayaa hortagey guddida joogtada iyo anshaxa ee golaha wakiillada Somaliland.


 

Guddoomiyaha baanka iyo masuuliyiinta kale markii ay gaadheen xarunta golaha wakiillada waxa xafiiska guddida joogta iyo anshaxa ku soo dhaweeyay mudaneyaasha guddidaasi.


 

Kulankan oo saacado badan qaatay markii uu soo dhamaaday waxa warbaahinta faahfaahin ka siiyay guddoomiye ku xigeenka guddida joogtada iyo anshaxa ee golaha wakiillada Somaliland Xildhibaan Maxamuud Xayir Ducaale.


 

Waxaanu yidhi . "Masuuliyiinta baanka dhexe ee Somaliland ayaanu u yeedhnay, waxa aanu ka waraysanay shaqada baanku u hayo Qaranka iyo bulshada, warbixin waafiya ayay naga siiyeen, waanu dhammeysaney si fiicana waanu ugu qanacney”


 

Guddoomiyaha baanka dhexe ee Somaliland Mudane Cali Cabdillaahi Daahir, ayaa isna warbaahinta la wadaagey wixii ay guddida kawada hadleen, Waxaanu yidhi "Waxa aanu u nimid guddida joogtada ee golaha wakiillada Somaliland, waxa aanu warbixin ka siinay shaqada aanu Qaranka u hayno, guud ahaan dhaqaalaha waddanka, iyo wixii tallooyina, kuwa aanu ka codsaneyno golaha, sida xeerarka golaha horyaala in naloo dadajiyo, baankana mihiim u ah”.

     
Loading...