Baanka Dhexe ee JSL oo Furay Tababarka Shuruudaha Cusub ee Sarriflayaasha iyo Diiwaan-gelinta (IT System)

Wednesday October 15, 2025 - 15:12:21
hadhwanaagnews
Agaasimaha Guud ayaa sheegay in nidaamka cusub ee IT-ga



Agaasimaha Guud ee Baanka Dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Yaasiin Jaamac Axmed ayaa shalay si rasmi ah u furay tababar ku saabsan shuruudaha cusub ee sarriflayaasha iyo hirgelinta hanaanka cusub ee diiwaangelinta elektarooniga ah (IT System).

Tababarkan oo ay ka qaybgalayaan sarriflayaal iyo masuuliyiin ka tirsan Baanka Dhexe, ayaa ujeeddadiisu tahay in lagu xoojiyo habka casriga ah ee diiwaangelinta iyo la socodka hawlaha sarrifka lacagaha qalaad, taas oo qayb ka ah dadaallada Baanka Dhexe ee lagu kobcinayo hufnaanta, isla-xisaabtanka iyo la-dagaallanka sarrifka aan sharciga ahayn.

Agaasimaha Guud ayaa sheegay in nidaamka cusub ee IT-ga uu suurto gelin doono in Baanku si toos ah ula socdo dhaqdhaqaaqa suuqa sarrifka, isla markaana uu yareeyo khaladaadka iyo dib-u-dhacyada ku yimaada diiwaangelinta iyo ruqsad-siinta sarriflayaasha.

"Baanka Dhexe waxa uu ku dedaalayaa in uu sugo nidaam maaliyadeed oo hufan, isla markaana si waafaqsan heerarka caalamiga ah uu u maamula ganacsiga sarrifka,” ayuu yidhi Agaasimaha Guud.

Dhanka kale, qaar ka mid ah sarriflayaashii ka qaybgalay tababarka ayaa soo dhaweeyay nidaamka cusub, iyaga oo tilmaamay in uu fududayn doono habraacyada iyo xidhiidhka ay la leeyihiin Baanka Dhexe.

     
Loading...