HADHWANAAGNEWS
Gabaygan cusub oo magaciisu yahay MAANDEEQ', oo uu curiyey Abwaan Cali Haybe Cige, waxa uu isku-sidkayaa oo uu qeexayaa dhacdooyin taariikhiya oo soomaray diinteena muqadaska ah ee FURQAAN, iyo dalka Somaliland, taasi oo ay ka marag furidoonto ciddii xog-ogaal ah ee daacad ahi, ciddii aan xog-ogaal ahayn iyo ciddii muraad gaar ah lihina way beenin.
Gabaygan oo Abwaan Cali Haybe ku halqabsanaayo Saxafi Miyir Cali Xuseen, ayaa waxa uu u dhigan yahay, sidan: -
Miyiroow tixbaan kuu igmaday, midhiyo suugaane
Murti iga qor, waayahaan mutiyo geedigaan maray
Allufoow wax-male, wuu lahaa, macalinkii sheegye
Muslimoow aduunkaynu nahay mudanihiisii
Mursaliintii iyo nabiyadii maray horraanteena
Mu'miniintii iyo khulafadii mooganaan ma lahe
Jinkaan muuqan iyo caalamiin magacyo loo sheego
Makhluuqaa Ilaahay dhammaan maalin ku abuuray
Malaa'iigta koy tahay xigmada lagu macsuumeeyey
Midka laga fadilay ee khatimay Muxamed weeyaane
Iyadooy mashaakilo aduun marada dhiigaysay
Oo ay mitamiyaan kufrigu maliyo beentooda
Maka iyo Madiinaa ifoo nuur kasoo mudhaye
Maansha Alla waa dhalashadii Muxamed Aamiine
Mahiigaan cir baa hooray iyo mayey arooryaade
Madaxyada u dhace sanamaday cadaw maleeleene
Mowliidku waa noo xus iyo marag Ilaahaye
Mucjisuu ahaa lagu daydiyo marin la raacaaye
Muddan buu ahaa sida kitaab muuqda oo qoran
Munasalkaa Ilaahay ku shubay Mowle hadalkiiye
Mid la midi aduunyada ma iman oo lagu masaalaaye
Maciisuu Ilaahay ka dhigay oo raaci magaciiye
Mir-dhaxaa la dheelmuu sidii miigaga u lalaye
Muqdas buu arwaax kula tukaday oo uu galay mixraabkiiye
Macmuurkuu u sii dhaafay iyo meelo fara weyne
Muntahuu Jibriil kaga hadhay oo wuu is-maanacaye
Miridh buu ahaa socotaduu maaxday dhawr samo'e
Meeshuu ka toosay iyo saliga maradii oo diiran
Midhiq iyo il-bidhiq buu ku yimi waa mid la hubaaye
Ma-dhintuu arkay iyo Waaxidkoo maragyo sheegeene
Macna weyn salaaduu na baray muuniduu yimiye
Bisinkeeda faataxadu waa tiir mudnaansho lahe
Masaxaaye awgii tira ee gooya madaxeeda
Waa mooyi sida loo aqbali magaca hooseyne
Ma gud-boona xaaraanta iyo midho xalaaleede
Mar horraa la kala qeexayoo madalle xaataaye
Madaxii ergadaa noo laqimay maalmihii hore
Maya wuxuu na yidhi nabigayagu waa sidii maya
Macaan wuxuu ka dhigay waa shifoo waa sidii malab
Muftaaxii jannadkuu noqdoo meeyey leenahay
Qalbi maydhan oo laga tirtiray milil xun weeyaane
Mid amaantii qoray oo kalgacal ugu madiixaaya
Maankiiyo quluubaha xigsaday hele muraadkoode
Marka lagu saliyo toban mar baa lagu macaashaaye
Maalintuu qiyaamuhu dhacee cidi maqnaanaynin
Madadkii shafeecee khalqigu magansan weeyaane
Mujiibaa u aqbala weedhaha oo maydhay ehelkiiye
Maqaan sharafle Eebbaa u hurayoo geeyey meelsarre
Madhaneey garaadada xunee maarmay waa u hoog
Ka malafan aqoontoo caqlaan miiran aragiiye
Margigaa hoggaan laga xidhay duul mabaashiya
Maskaxday biyuhu kaga jiraan mici-maraarowe
Moodkiyo aduunkii ribada qaar mamaa jira'e
Maydhaamayaal kaafiriyo dhagarle waa muush
Masiixiga Ilaahay qiray ee Muxamed diidaaya
Iyo qaar macoodii noqday baa isku soo mudhaye
Maqaam Eebbe lagu caabudo oo mu'adin yeedhaayo
Mukaniisadihii baa wakhtigan meel ku wada yaale
Magaankii bidcoobiyo firqadu hays makeekido
Meel baas ka yimi beenlowguna waa magiigane'e
Sida midho gobeed iyo laftiyo diirka lagu meershay
Midowgay islaamnimadu tahay meel u joogsiga'e
Masso inaan ahaaniyo la-waa marrinkii toosnaaye
Maandhaafka iyo kala tagaa yaabka meeraray
Mukhlis aaminiyo daalinkii muuqa loo simane
Kala miya-shadii laba qollo eeday maataduye
Maskastiyo caruurihii ku kacay ayaa mulaaq gallaye
Martigallin waddaadood la waa wax uga meelyaal
Intaan mowdku iman buu tashigu mooro leeyahaye
Kala muuqan doona xaq iyo baadil mow yidhi.
Afartaa midh bixiyee tix kaloo miigan iga hooya
Malcuun baa aduunyada ku sugan murabid shaydaane
Waa mucaqad waa horre gafay oo loo maraaq shidaye
Mar horruu gambiyey Aadan iyo marantidiisiiye
Minankii jannaa laga baxay baan maqalnay waaggiiye
Malabkii rogmanayiyo toggii iyo midhahii hoos yiilay
Maqal laguma kooboo il iyo maanku xaddi-waaye
Maalkii Ilaah noo qoray ee lagu maqsuudaayey
Mug weyn waa halkeedii nimcadii maaxdii waa naggiye
Maqan waxa ka dhigay waa ilduuf muday quluubaaye
Mahanaa la yimi iyo ifkiyo maalmo nololeede
Mataanii is-dilay baa sidii laysku mirayaaye
Midab laysku soocaa jiriyo maandad kala dheer
Mugdi laguma dhalan iyo xalaal meher la guurshaaye
Way miir-cadahay labada mayn qoom-ba tuu mariye
Muuqaalku waa aayadahan maradu saarnayne
Margi weeye hadalku is-roga oo kuu macnayn tollo'e
Midho daray sidii looma noqon daaf makeekiga'e
Margashada aqoontaa kasyare lagu madiidayne
Macalimo la eedaa jiriyo mooge baadiyahe
Madax-geesa-xiir baa dhexgalay ma hurtadeeniiye
Markan aakhir-san buu dhexgallay maad u nooluhuye
Miirmiirad dhiigyo-cabaduna magafe weeyaane
Masuuliin la doortaa xilkii marin halkiisiiye
Mijahaa sarreeyoo dad badan madaxu hooseeye
Miyirqabe caqligu noolyahoo tuurin maradiisa
Labadaa midkee lagu hirtaa murugtu weeyaane.
Afartaa midh-bixiyee tix kaloo miigan iga hooya
Muddo hore dagaalkii la maray ee guushu midigaysay
Meel-joogsi Somaliland magacu weeyaane
Gar markhaati waydaa lunsaday maalmihii hore'e
Maantana in horre loo marsado maarba may roggine
Maandeeq doraad bay dhashay oo murisay gaawaaye
Mid ba maal abaalkuu gashaday maaxda darareede
Macaan nabaddu weeyaan sidii noo muraayadahe
Madax jabe caddaawaha gabaday meel fog laga sheegye
Ku mudmuda gantaalaha gardaran ma laha iimaane
Maskii laba aflaha ahaa suntii muudsay geerida'e
Taarikhdu waa baal madoow nimay ku moostaaye
Magac geesiyaashii ka tagay nagule maamuuse
Maahmaahdu waa siday ahayd aydin maqasheene
Macal-cunaba wuu soo bixiyoo maalmahaa tirin.
Hoyga Dhaqanka <[email protected]>
Abwaan Cali Haybe Cige
Whatsapp No: 0634429279
Hargeysa/Somaliland
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!