hadhwanaagnews

Maareeyihii hore, Maxamed Cali Daarood, ayaa ka warbixiyay kulan uu la yeeshay Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, kaddib markii uu ugu tegay hambalyada munaasibadda Ciidda.
Siyaasi Maxamed Cali Daarood ayaa sheegay in ay ka wada hadleen xaaladda guud ee dalka, isaga oo si gaar ah u xusay inuu Madaxweyne hore Muuse Biixi kala hadlay in ay dhammaatay muddadii uu shacabka kula taliyay in aan mucaaradad adag lagala hor iman xukuumadda talada haysa.
"Waxa aan u sheegay in hadda loo baahan yahay in si dhab ah loo qaato doorka mucaaridnimo, isla markaana la mideeyo taageerayaasha xisbiga Kulmiye," ayuu yidhi Maxamed Cali Daarood.
Sidoo kale, waxa uu tilmaamay in ay muhiim tahay in xisbiga Kulmiye dib isu abaabulo, kana shaqeeyo xoojinta taageerayaashiisa, isku xidhka jaaliyadaha dibadda, iyo ilaalinta danaha qaranka.
Maxamed Cali Daarood ayaa sidoo kale caddeeyay inuu si iskiis ah uga tagay shaqadii uu qaranka u hayay, si uu uga qayb qaato dib-u-habeynta iyo firfircoonaynta xisbiga Kulmiye.
Ugu dambayn, waxa uu ugu baaqay taageerayaasha xisbiga Kulmiye inay sii xoojiyaan taageeradooda, isla markaana ay si dhab ah ula xisaabtamaan xukuumadda, si xisbigu u qaato doorkiisa mucaaridnimo ee ugu weyn dalka.
Waxa uu sidoo kale uga mahadceliyay Madaxweyne hore Muuse Biixi taageeradii iyo hagistii uu siiyay muddadii uu xilka hayay, taas oo uu sheegay inay saameyn weyn ku yeelatay fikirkiisa iyo jihadiisa siyaasadeed.