Somaliland Oo War Ka Soo Saartay Ciidamo Muqdisho Ka Degay.

Friday August 30, 2024 - 07:18:25
Hadhwanaag
"War-murtiyeedka Xukuumada waxa lagu shaaciyay in aanay JSL iska taagnaan doonin .."



Hargaysa (HWN) Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa si xoog leh u cambaareysay, ugana soo horjeedsatay in ciidammada Masar la geeyo Soomaaliya, taasi oo ay ku tilmaantay inay  uga sii darayso nabada iyo xasiloonida gobolka Geeska Afrika.


Wasaaradda Arrimaha Dibadda JSL ayaa warsaxaafadeed ay soo sartay oo soo Wakaaladda wararka ee SOLNA soo turjuntay, ku sheegtay in aanay aqbali karin ciidammada Masar yimaadaan Soomaaliya, si loogu wiiqi nabadgelyada iyo ammaanka mandaqada ee nuglaa markiisa horeba.


Waxa kale oo ay sheegtay in qorshaha ciidammada Masar aan lagu sallayn daraasad lagu sameeyay ammaanka Soomaaliya, isla markaana aan tixgelintii ay mudnaayeen la siinin dalalka mandaqada ee arrintaasi khusaysay.


Waxa kaloo Xukuumadda JSL xaqiijisay in ciidamada Masar ay curyaaminayaan dedaallada nabada iyo xasiloonida mandaqada.


Sidoo kale, waxa warsaxaafadeedka Wasaaradda Arrimaha dibadda lagu caddeeyay in JSL oo ah waddan madax bannaan oo dimuqraadi ah ay kala mowqif tahay dalalka la jaarka ah Soomaaliya ee diidan in ciidammo shisheeye la geeyo Soomaaliya, taasi oo waxyeello  ku ah shacbiga Somaliland.


Xukumadda JSL waxa ay beesha caalamka ku boorisay inay naqdiyaan isla markaana ka hortagaan halista laga soo waaridayo Masar, oo la sameeyo xal nabadeed iyadoo kor loo qaadayo xalka dhinaca diblomaasiyadda, lana tixgelinayo madaxbannaanida iyo midnimada dhammaan dalalka Geeska Afrika.


War-murtiyeedka Xukuumada waxa lagu shaaciyay in aanay JSL iska taagnaan doonin iyadoo ay ku soo fool leedahay haliso khatar ku ah nabadgelyadeeda ay juhdiga adag ku hanatay iyo ammaanka gobolka oo dhan.


Xukuumaddu waxa ay beesha caalamka ugu baaqday in ay qaadaan tallaabooyin degdeg ah oo ay ku ilaalinayaan xasiloonida Somaliland iyo ka mandaqada oo dhan.

     
Loading...