Madaxwaynaha Somaliland oo Ka Jawaabay Hadal uu Bulshada Ku Kala Qaybinayay Murashaxa Xisbiga Waddani

Saturday September 07, 2024 - 15:19:38
hadhwanaagnews
Shalay Muarashaxa Xisbiga Waddani waxa uu ka hadlay Sallaxley,..



Madaxwaynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa ka jawaabay hadal uu bulshada Somaliland ku kala qaybinayay Murashaxa jagada madaxwayne ee Xisbiga Waddani, kaasi oo uu sheegay inuu isagu si gaar ah u leeyahay codka yaala Degmada Sallaxley, madaxwaynaha ayaa xusay inuu hadalkaasi ugu jeedo hayb ahaan balse ay taasi ka duwan tahay Dimuqraadiyadu.

 

Sidoo kale Madaxwaynaha Somaliland ayaa bulshada ugu baaqay inay qiimeeyaan xisbiyada dalka mid kasta halka uu ka taagan yahay dal jacaylka iyo difaaca dadkiisa iyo inuu u adeegayo cadawga Soamliland waxaanu yidhi ‘Somaliland xisbiyada ka jira, ma xisbigii Somaliland daafacaya ee ogo lee u dhimanaya, mise xisbiga mad-madow kaga jiro inuu Somaliland in aanu daafacayn ee uu doonayo waxa ay doonayaan Xamar iyo dagaal wakiileedka uu dibada cadawga ugu adeego, labaasi xisbi waa in aad loogu kala fiirsado Dimoqraadiyadu waa nuu qofku codkiisa halka uu doonayo ku rido.

 

Shalay Muarashaxa Xisbiga Waddani waxa uu ka hadlay Sallaxley, Sallaxley qodobka uu ka yidhi waxa ay ahayd codka Sallaxley anigaa leh, codka Tog-wajaale Somaliland ninkii difaacaya ee danteeda haya ayaa leh’e nin qudha oo u dhashay kuma laha.

 

Haddii aanan anigu danta Qaranka ka shaqaynayn, haddii aanan Somaliland Qarankeeda iyo danteeda eegay Wajaale kaliged maxaan tari karaa.

 

Sallaxley ninka leh cid kale uma codayn kartaa, waa maxay micnahaasi, sow maaha hayb ahaan baan u joogaa, war wanaagsan baan idiin sheegayaa Sallaxley anigaa ka xiga”.

     
Loading...