DEG DEG "Somaliland Meel aan looga Baqan oo aan Looga Calaacalin ayay Joogtaa" Madaxweyne Biixi

Monday September 09, 2024 - 09:09:13
hadhawanaag
Geesta kale, madaxweynuhu waxa uu daboolka ka qaaday..


Madaxweynaha S/land, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in Somaliland ay maanta joogto meel aan looga baqan oo aan looga calaacalin, waxa uu intaas ku daray in cidda JSL tuurtuuraysa ee diidan qarannimadeeda iyo horumarkeedu ay tahay cid ka xun barwaaqadeeda.


 

Madaxweynaha S/land, Mudane Muuse Biixi Cabdi, sidoo kale waxa uu xusay in la iska celinayo cid kasta oo soo faro-gelisa jiritaanka iyo qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland, waxaanu hoosta ka xariiqay inay kalsooni badan ay ku qabaan dhalinyarada dalka.


 

Dhanka kale, Madaxweynaha S/land waxa uu bulshada faray in ay codkooda ku bixiyaan sidii qarannimada loo dhisi lahaa. waxaanu yidhi "Somaliland meel aan looga baqin oo aan looga calaacalin ayay joogta, horumar kastana cid baa ka xanaaqaysa, qof kasta oo horumarayna waxa uu leeyahay dad ka xanaaqa oo xaasidiin ah, geedkii midho leh uun baa la tuurtuura ee Somaliland cidda tuurtuureysaa ama wax ka sheegaysaa waa cid barwaaqadeeda ka xanaaqsan, kuwaana waa la iska celinayaa.


 

Codkana Qarannimada sidii loo dhisi lahaa ayaynu ku bixineynaa, aniguna qaranimo ayaan ku doonaya, markaa codkaasi halkaasi ayaan dhigey”.


 

Geesta kale, madaxweynuhu waxa uu daboolka ka qaaday oo uu tilmaamay waxyaabaha ay degmada Dacartu kaga duwan tahay dalka intiisa kale oo bulshada Somaliland aanay hore u ogeyn, waxaanu sheegay in ay la gaar tahay Akaademiyada tababarka Fardaha.


 

Waxaanu yidhi. "Degmadani waxa ay leedahay oo ay ugu nasiib badan tahay oo aanay degmooyinka kale oo dhami lahayn, waa akaademiyada tababarka Fardaha.


 

Madaxweynaha S/land, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu sidaasi ka sheegay soo dhaweyn ballaadhan oo isaga iyo weftigii uu hogaaminayey lagu soo dhaweeyey degmada Dacarta iyo degaanada hoos yimaada.


 

Geesta kale Madaxweynaha S/land mudane Muuse Biixi Cabdi iyo weftigii uu hogaaminayey ayaa si weyn loogu soo dhaweeya degmada Fara-weyne, waxaanu uga mahad celiyay soo dhaweynta ay u sameeyeen bulshada degaanadaas uu safarka ku maray ee sida diirran u soo dhawaysay isaga iyo waftigiisa.

     
Loading...