Hargeysa -(HWA)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa hambalyeeyey Madaxweynaha ay dhawaan doorteen shacabka reer Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), waxana uu aqbalay oo soo dhaweeyey natiijada ku-meel-gaadhka ah ee kasoo baxday guddida doorashooyinka qaranka.
Ugu horrayn, Madaxweyne
Muuse Biixi Cabdi waxa uu si mug iyo miisaan leh ugu mahadceliyey cid kasta oo
ka qayb qaadatay doorashooyinkii madaxtooyada iyo xisbiyada ee dalka ka
qabsoontay sida shacbiga reer Somaliland ee codkooda sida nabadgelyada ah u
dhiibtay, guddidii doorashooyinka, axsaabtii iyo ururradii tartamayey iyo
ciidamadii amniga ilaalinayey.
Madaxweyne Muuse Biixi
Cabdi waxa uu si cad u sheegay inuu aqbalay guusha xisbiga WADDANI kasoo hooyey
doorashooyinkii dalka ka dhacay, murashaxiintiisana ku hambalyeynayo xilka
culus ee la saaray, waxana uu yidhi,"Waxan halkan ka caddaynayaa inaanu
aqbalnay natiijadii doorashada kasoo baxday oo uu ku guulaystay xisbiga
WADDANI, sharcigana ay tahay sharafta iyo Qaran-dhiskuna sidaa yahay.”
Madaxweynuhu isaga oo
hadalkiisa sii wata waxa uu intaas ku daray,"Ma aha maalin aynu murmaynno oo
aynu isku qabsanayno oo dhexdeenna khilaaf ka imanayo’e waa maalin aynu wada
guulaysannay oo aynu Qarankeennii kor u dhisnay,” ayuu yidhi Madaxweyne Muuse
Biixi Cabdi.
Ugu dambayntii, Madaxweyne Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu
taageerayaasha xisbiga KULMIYE ugu baaqay inay u hoggaansamaan natiijada, isaga
oo guud ahaanba shacabka reer Somaliland-na ka codsaday in lala shaqeeyo
Madaxweynaha la doortay, Qarandhiska Somaliland-na meel looga soo wada jeesto,
si guul wadareed iyo badhaadhe loo
gaadho.
Wa-bilaahi Tawfiiq