Faallo:-Muuse Biixi & Maleyshiyo beeleedkiisu Maxay usoo dhaweeyeen?

Monday February 17, 2025 - 14:19:45
hadhwanaagnews
Hargeisa(HWN):-Hoggaamiyihii hore ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo ka soo laabtay Safar uu dalka dibadiisa


May be an image of 3 people, crowd and text
Hargeisa(HWN):-Hoggaamiyihii hore ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo ka soo laabtay Safar uu dalka dibadiisa ugu baxay, ayaa Cayladdiisu u samaysay soo dhawayn iyo maamuus aannu lahayn, kadib markii ay sida Madaxweyneyaasha u soo dhaweeyeen, isla markaanna ay hareero socdeen Ciiddan beeleed jufaddiisa oo uu samaystay markii Xukunka laga tuurray.


Hoggaamiye Muuse Biixi oo lagu garaacay doorashaddii Madaxtinnimada ee dalka, ayaa wali isu haysta innuu yahay Madaxweynaha Somaliland, taasoo ah Sharci-daro iyo Distoor jebin uu Muuse Biixi ka badheedhay, iyaddoo muujinaysa kalsooni-darro ka muuqata naftiisa, maaddaama uu godob ka galay Shacabka reer Somaliland, kuwaasoo uu mudadii uu Xukunka xoogga ku haystay uu wax walba u gaystay, kuwaasoo oo isugu jira kuwo uu Xabsiyo ka buuxiyo, kuwo uu laayo, iyo kuwo uu dalka ka masaafuriyey.

May be an image of 3 people and dais

Sida caadada ah Madaxdu marka ay Xukunka qabtaan waxa ay isku dayaan inay yareeyaan wixii tabasho ah ee jira, isla markaanna ay Caddaalada hoos u eeggaan, iyagoo ka bilaaba inay cafiyaan Maxaabiista danbiyadda fudud ku xidhan ee Xabsiyadda ku jira, waxaanna sidaas sameeyay Madaxweyneyaashii isaga ka horreeyay ee Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin, Alle ha u naxariistee Madaxweyne Ahmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, balse Hoggaamiye Muuse Biixi waxa uu laayay Maxaabiis aan waxba galabsan oo xitaa qaarkood baa dayn loo haystay.

May be an image of 6 people, dais and text that says 'KULMIYE KULMIYE MIY E κθι'

Halka uu Madaxweynaha cusub ee Somaliland Md. Abdirahmaan Mohamed Cabdillaahi (Cirro), uu talaabadiisii koowaad ka dhigay inuu Cafis Madaxweyne ku sii daayo Shacabkii tiradda badnaa ee uu Xabsiyadda ka buuxiyay Kaligii taliye Muuse Biixi Cabdi, waanna sababta keentay in marka uu Safar u baxo Muuse Biixi uu yidhaahdo I soo dhaweeya Ciiddan uu samaystay oo Cayladdiisa ah, iyaddoo aannu caaddi isaga iman Karin sida Madaxweynihii hore ee Somaliland Md Daahir Rayaale Kaahin oo si caaddiya u baxa, isla markaanna si caaddiya u soo laabta, waanna kala duwanaanta u dhaxaysa Daahir Rayaale Kaahin iyo Muuse Biixi Cabdi. Adiguba waad fahmi kartaa halkaas waxa ku jira akhriste.

 

 

 


     
Loading...