Somaliland iyo Sucuudiga oo Ka Wada Hadlaya Mashaariic Horumarineed

Sunday February 23, 2025 - 14:08:14
hadhwanaagnews
Sidoo kale, wararka qaar ayaa tilmaamaya in Madaxweynaha Somaliland

May be an image of 2 people, dais and text

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Somaliland iyo Boqortooyada Sucuudiga ay ka wada hadli doonaan mashaariic waaweyn oo lagu horumarinayo Somaliland.

Wadahadalladan ayaa la filayaa in ay diiradda saaraan iskaashi dhaqaale, maalgeshi iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaale ee Somaliland.

Sidoo kale, wararka qaar ayaa tilmaamaya in Madaxweynaha Somaliland uu helay martiqaad rasmi ah oo uga yimid Sucuudiga, taasoo muujinaysa xidhiidhka wanaagsan ee u dhaxeeya labada dhinac.

Sucuudiga iyo Somaliland ayaa muddooyinkii dambe lahaa iskaashi dhow, kaas oo ay qeyb ka yihiin arrimaha ganacsiga, horumarinta iyo danaha guud ee labada dhinac.

Wadahadallada la filayo inay dhexmaraan Somaliland iyo Sucuudiga ayaa noqon kara kuwa fursado cusub u abuura Somaliland, gaar ahaan dhanka maalgashiga iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha.
     
Loading...