Xukuumadda Somaliland oo Bilowday Masaafurinta Dadka Itoobiya u Dhashay ee Sharci-darrada Ku Jooga Dalka Somaliland.
Ciidanka Laanta Socdaalka Somaliland ayaa saaka bilaabay olole lagu masaafurinayo dadka Itoobiya u dhashay ee si sharci-darro ah ama tahriib ahaan ku soo galay dalka, gaar ahaan magaalada Hargeysa.
Tallaabadan ayaa qeyb ka ah dadaallada ay xukuumaddu ku xakameynayso muhaajiriinta aan sharciga haysan, iyada oo la adkaynayo habraacyada socdaalka iyo amniga gudaha.
Ciidamada ammaanka ayaa lagu arkay qaar ka mid ah Suuqyada magaalada, halkaas oo ay si toos ah uga fulinayeen hawlgallo lagu raafayo dad aan haysan dukumentiyada saxda ah ee ogolaanaya joogitaanka Somaliland.