Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa shalay Qasriga Madaxtooyada kulan muhiim ah kula yeeshay Safiirka Dawladda Turkiga u fadhiya Jamhuuriyadda Somaliland iyo Soomaaliya Danjire Alper Aktas, iyo wefti uu hoggaaminayay.
Kulankan ayaa intii uu socday waxa ay madaxweynaha iyo weftiga safiirku kawada hadleen arrimo badan oo mudnaan u leh labada dhinac, kuwaas oo la xidhiidha xoojinta iskaashiga u dhexeeya labada Jamhuuriyadood ee Somaliland iyo Turkiga.
Danjiraha waddanka Turkiga ayaa waxa uu Madaxweynaha JSL ku boggaadiyey guushii uu ka gaadhay tartankii Doorashashoyinkii Madaxtooyada, isaga oo qiray bisaylka hannaanka Dimuqraadiyadda ee ka hirgalay Somaliland iyo sida ilbaxnimada leh ee ay reer Somaliland ula kala wareegeen xilka Qaranka, arrintaasi oo uu Danjiruhu ku sifeeyay mid dhif iyo naadir ku ah mandaqadda Geeska Afrika, Shacabka reer Somaliland ee adkaysiga badana ay mutaysteen in lagu hambalyeeyo guusha ay gaadheen.
Kulankan waxa diiradda lagu saaray arrimo badan oo muhiim ah oo ay ka mid ahaayeen nabadeynta, iskaashiga dhaqaalaha, ganacsiga iyo maalgashiga, waxbarashada, caafimaadka, horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo xirfadaha, ka wada shaqaynta arrimaha bini’aadannimada.
Gaba-gabadii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa Danjiraha Turkiga u sheegay in Jamhuuriyadda Somaliland ay aad u danaynayso in Dawladda Turkigu ay la yeelato JSL, xidhiidh toos ah, wanaagsan oo dhinacyo badan leh.