Waa kuma ninka ay Soomaalida aadka u taqaano ee u sharraxan madaxweyne ku xigeenka Mareykanka

Wednesday August 07, 2024 - 07:46:08
Hadhwanaagtv
Maxaan ka naqaanaa siyaasadihiisa



Kamala Harris ayaa Tim Walz u soo xulatay ku xigeenkeeda doorashada madaxtinimada ee lagu wado in dalka Mareykanka ay ka dhacdo bisha November.


 

Timothy James Walz waxa uu dhashay 6 April sanadii 1964, waana siyaasi muddo dheer siyaasadda ku soo jiray.


 

Walz ayaa waxaa uu horey u ahaan jiray macalin iskuul ka hor inta uusan howlgab ka noqon.

 

Waxaa uu sanaddii 2018 noqday barasaabkii 41-aad ee gobolka Minnesota.

 

Waxa uu sidoo kale mar ahaa xubin ka tirsan Aqalka Wakiilada Mareykanka 2007 ilaa 2019, isagoo matalayey degmada 1aad ee congress-ka Minnesota.


 

Maxaan ka naqaanaa siyaasadihiisa

Muddadii 12ka sano ahayd oo uu ku jiray Congress-ka, way adkeyd in lagu calaamadiyo fikradiisa uu ka qabo arrimihii markaas caalamka ka taagnaa.


 

Waxa uu u codeeyay sharciga daryeelka dadwaynaha, oo ahaa tallaabooyinka uu ugu hiilinayo shaqada iyo shaqaalaha iyo sare u qaadidda mushaaraadka.

 

Waxaa sidoo kale uu marar badan la saftay xisbiga Jamhuuriga iyo siyaasadihii ay dalka ku xukumayeen intii ay xilka hayeen.


 

Waxa uu u codeeyay in la sii wado maalgelinta dagaaladda Ciraaq iyo Afgaanistaan, waxa uu taageeray in si adag loo baaro qaxootiga soo galaya Maraykanka, waxa uuna isku dayay in uu joojiyo dammaanad qaadistii Obama ee bangiyada iyo shirkadaha baabuurta ka dib dhaqaale burburkii caalamka ku dhuftay 2008-dii.

 

Waxaa uu sidoo kale mar uu taageero ka helay ururka ay ku mideysan yihiin shirkadaha ka ganacsada hubka ee (NRA), kuwaasi oo lacag ugu deeqay xilligii uu ku jiray ololihiisa doorashada, balse waxa uu ka hadlay mamnuucidda hubka ka dib toogashadii ka dhacday dugsiga Parkland markaasi oo uu taageeradooda lumiyay.


 

Mr Walz ayaa ku guuleystey tartankii barasaabka gobolka Minnesota 2018 in ka badan 11 dhibcood, balse markiisii ​​ugu horeysay waxaa uu xukunkiisa la kowsaday cudurka safmarka ah ee Covid iyo dilkii uu askari boolis ah u geystay George Floyd oo ka dhacay Minneapolis.


 

Ma aha nin si wayn looga yaqaano masraxa siyaasadda heer qaran ee dalka Mareykanka.

 

Balse ololihii ugu dambeeyay ee xisbiga Dimuqraadiga ay sameynayeen ayaa waxaa soo shaac baxday hadaladiisa kulul ee ka dhan ah xisbiga Jamhuriga.


 

Mr Walz aya waxaa hadal hayn badan uu ka dhex dhaliyay bulshada toddobaadyadii u dambeeyay ka dib markii uu Jamhuuriyiinta ku sifeeyay erayo la yaab leh.

 

"Kuwani waa dad la yaab leh oo dhinaca kale ah," ayuu dhawaan u sheegay MSNBC, "Waxay rabaan inay mamnuucaan buugaagta".

 

Soomaalida iyo Mr Walz

 

Timothy James Walz waxaa uu sanaddii 2018 noqday barasaabii 41-aad ee gobolka Minnesota.

 

Gobolkan ayaa waxaa ku nool Soomaalida ugu badan ee ku sugan dalka Mareykanka.

 

Muddadii uu xilka hayay Mr Walz waxaa uu si wayn u dhexgalay bulshada Soomaalida ah, waxaa uuna kala qeyb gali jiray xafladaha kala duwan.


 

Waxaa uu soomaalida kala qeyb gali jiray xafladaha muhiimka ah sida xafladaha maalinta xorriyadda soomaaliya.


 

Hambalyo maalinta Xornimada Soomaaliyeed ee Farxadda leh, dhammaan dadka reer Minnesota ee u dabbaaldegaya ayuu sanadii 2019 ku soo qoray bartiisa facebook.


 

"Wakhti fiican ayaan idinkula qaatay xafladda sabtidii, waxaanan ku faanay in aan todobaadkan ku dhawaaqo Todobaadka Bandhiga Soomaslida Maraykanka", ayuu intaa ku dray.


 

25 bishii September, 2023 waxaa uu gobolka Minnesota ku soo dhaweeyay, isla markaana xaflad soo dhaweyn ah uu kala qeyb galay rai'sul wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre.


 

"Badhasaab Tim Walz iyo sharci-dajiyayaasha Minnesota ayaa Ra'iisul Wasaaraha ku soo dhaweeyay Capitol State goor hore oo maanta ah". "Walz iyo Xamza waxay ka wada hadleen xiriirka ganacsiga, beeraha, iyo maalgashiga iyo tamarta" waxaa sidaasi lagu yiri qoraal ka so baxay xafiiska barasaabka.


 

Mararka uu Mr Walz uu ka qeyb galo xafladaha ay Soomaalida isugu timaado waxaa uu isku dayi jiray in uu kalmado kooban oo Soomaali ah oo munaasabada ku saaabsan uu halkaas ka sheego.

bbc/somali
     
Loading...