Hargaysa: Waa Kuma Taliya Cusub Ee Ciidanka Loomagacaabay?

Monday September 09, 2024 - 22:53:32
Hadhwanaag
"Taliye Haaruun ayaa ah shaqsi shaqada looga maarmi waayay"


Taliye Haaruun Siciid Cali ayaa maanta mar kale dib loogu magacaabay taliyaha ciidamada Ilaalada Xeebaha Somaliland saldhiga koowaad ee magaalada Berbera.


Wareegto kasoo baxday xafiiska Taliyaha guud ee ciidamada ilaalada xeebaha Somaliland ayaa lagu magacaabay taliye Haruun Siciid Cali in uu noqdo Taliyaha ciidamada xeebaha Somaliland, halka Taliyihii ciidamada xeebaha galbeedka Somaliland ee taliska Saylac taliye Colhaye loo magacaabay taliyaha hawl-galinta ee taliska ciidamada xeebaha Somaliland ee Hargeysa.


Taliye Haaruun ayaa ah shaqsi shaqada looga maarmi waayay, islamarkaana ku suntan hawlkar-nimo u fir-fircoon shaqada qaranka, taasoo soo dedejisay in mar kale dib loo magacaabo taliye Haaruun Siciid Cali
     
Loading...