DEG DEG Taliyaha Booliska S/land oo Kormeeray Beeraha Ciidanka ee Banka Wajaale

Monday September 09, 2024 - 08:19:45
hadhwanaag
Sidoo kale ciidankan ayaa Taliyahau ga mahad celiyay sida wanaagsan ...  

Taliyaha ciidanka Booliska S/land, Sareeye Gaas Maxamed Aadan Saqadhi iyo saraakiil kale ayaa booqday Beerta ciidamada Booliska ee banka Wajaale, taasoo sannadkan la qoday 2000 oo saacaddood.

 

Taliyaha ayaa kormeeray beerta si loo hubiyo horumarka iyo tayada shaqada Ciidanku qabtay sannadka Baaraha ciidanka ee Banka Wajaale iyo wax-soo-saarkooda.

 

Waxaana qorsheysan in dhawaan la jaro dalaga ka soo go’ay, taasi oo qayb ka ah qorshayaasha koritaanka iyo horumarinta ciidanka Booliska JSL ee dhinac wax-soosaarka .

 

Tani waxay qayb ka tahay himilooyinka hirgalay muddadii ciidanka booliska hoggaaminaayay S/Gaas Maxamed Aadan Saqadhi ee loogu talagalay in lagu hormariyo adeegyada ciidanka, iyadoo sidoo kale beertu tahay il muhiim ah oo taageerta awooda Ciidanka.

 

Taliyaha ciidanka Booliska Somaliland waxa halkaasi ku soo dhaweeyay ciidanka halkaasi ku sugan ee ka shaqeeyay wax-soo-saarka ciidanka Booliska, waxaanay Taliyahau ga warbixiyeen halka ay marayaan dalaga sanadkan la beeray.

 

Sidoo kale ciidankan ayaa Taliyahau ga mahad celiyay sida wanaagsan ee uu markasata u hirgaliyo wax-soo-saarka ciidanka iyo sida uu uga shaqeeyo beeraha Wajaale ee Booliska.

 

Gebo’gabadii Taliyaha ciidanka Booliska Somaliland Sareeye Gaas Maxamed Aadan Saqadhi Dabagale ayaa soo dhex maray beeraha wax-soo-saarka ciidanka oo dalagii laga beeray sanadkan uu si fiican u baxay roob wanaagsana helay.

     
Loading...