Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa shalay kormeer shaqo ku tegay xarunta taliska guud ee ciidamada Booliska Somaliland, waxaana halkaas ku soo dhaweeyey taliyaha ciidanka Booliska, sarreeye gaas Maxamed Aadan Saqadhi (Dabagale).
Madaxwaynaha Somaliland oo la hadlay saraakiisha iyo ciidamada Booliska ee ku sugnaa taliska ayaa ugu bushaareeyay in uu ka dhabayn doono ballanqaadkiisii ahaa in uu mushaharka u kordhin doono ciidamada kala duwan ee dalka. Ballan-qaadkaasi oo Madaxwaynaha Somaliland ku galay olilihii doorashada, wakhtigaas oo uu sheegay in uu mushaharka u kordhin doono Ciidamada kala duwan ee dalka, sidoo kalena tayayn doono.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) waxa uu bogaadiyay dedaalka iyo naf-hurnimada ciidanka Booliska Somaliland, waxaanu ku dheeraaday ahmiyadda Booliska iyo kaalinta udub-dhexaadka ah ee bulshada iyo dawladnimada ugu jiro, waxaanu yidhi "Boolisku waxa uu ka mid yahay hay’adaha halbowlaha u ah ammaanka muwaadinka, waana xubinta fulisa sharciga oo ah udub-dhexaadka dawladnimada, waxaana jirta Odhaah caan ah oo tidhaahda, Boolisku waa saaxiibka daweynaha, waxaan rajeynayaa inuu dhaqankaasi kamid noqdo dhaqanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland.”
Madaxweynaha Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo khudbad dhinacyo badan leh u jeediyay ciiddamada Booliska ayaa ugu horrayn sharraxaad ka bixiyay ujeeddada kormeerkiisa taliska Ciidanka Booliska,, waxaanu yidhi," Waxaan u socday inaan xogogaal u noqdo duruufaha iyo xaaladaha ciidanka ee wax-ka-qabashada u baahan iyo inaan dhegaysto talooyinkiinna iyo tilmaamaha aad ku darsanaysaan geeddiga isbeddelka iyo dib u habaynta ciidanka.”
Madaxweynaha ayaa mar kale si cad u sheegay inuu fulin doono ballanqaadkiisii dhinaca daryeelka iyo ilaalinta agabka ciidanka Booliska iyo tayeyntoodaba, waxana uu yidhi, "Xukuumaddu waxay fulin doontaa ballantii aannu ku qaadnay inaanu wax ka beddelno noloshiinna, islamarkaana aanu horumarinno aqoontiinna iyo qalabkiinnaba, si loo kordhiyo awooddiinna fulinta sharciga iyo awooddiinna dabagalka iyo baadhista casriga ah.
Waxa aad ciidamada qaranka kala mid noqon doontaan mushahar-kordhinta Boqolkiiba laba Boqol iyo Konton ee xukuumaddu fulin doonto muddo-xileedkeeda koowaad, sidoo kale, idinka iyo carruurtiinnuba waxa aad lacag la’aan ku heli doontaan daryeel caafimaad iyo waxbarasho dawladdu idin siiso, waxana aanu abuuri doonnaa jawi badqaba oo aad ku shaqayn kartaan iyo dhawrsanaan sharci oo aan la idinku dhibaatayn Karin xilliga aad ku jirtaan waajibaadkiinna.”
Madaxweynuhu isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaas ku daray, "intaas oo jirta haddana marnaba lagama tegi doono isla xisaabtanka iyo in laga hortago xadgudub kasta oo muwaadinka kasoo gaadhi kara ciidanka, waxana aannu aaminsanahay in dib u habayn lagu sameeyo ciidamada Booliska si kor loogu qaado xirfadaha kala duwan ee Booliska, taas oo lagama maarmaan u ah nabadgelyada iyo badbaadada bulshadeenna.”
Madaxweynuhu sidoo kale, waxa uu kula dardaarmay inay bulshadooda ugu adeegaan sida ugu xilkasnimada badan, badqabadka iyo ammaanka shacabkana dhawraan.
Dhinaca kale, Madaxwaynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro oo 19-kii bishan booqday taliska guud ee Ciidanka Qaranka Somaliland ayaa la wadaagay ciidanka qaranka inuu fulinayo ballantii uu ololaha Doorashada ku galay ee ahayd kordhinta Mushaharka.
Sidoo kale madaxwaynaha ayaa sheegay in ujeedadiisa koowaas ay tahay dib-u-habaynta iyo casriyaynta ciidanka Qaranka Waxaanu yidhi "Waxaan ololaha ku galay in la helo dhismo ciidan qaran oo leh tababarradii ugu dambeeyay, isla markaana ku qalabaysan hub casri ah, kuwaas oo awood u leh amniga xuduudaha, cirka iyo badda Somaliland. Hadafkayga koowaad waa dib u haybaynta iyo casriyaynta awoodda ciidanka,”.