"Waxa aannu Diyaar u Nahay in aannu Buuxino Waajibaadka Qaranka iyo Tilmaanta Madaxweynaha JSL…"

Monday January 20, 2025 - 14:42:23
Hadhwanaagtv
Taliyaha ayaa sidoo kale ka warbixiyey in ay jiraan hogaamo...



Taliyaha ciisanka Booliska Somaliland sareeye gaas Maxamed aadan Saqadhi dabagale ayaa Taliska guud ee ciidanka booliska ku soo dhaweeyey shalay madaxwaynaha Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro oo kormeerk ku tagay xarunta taliska booliska waxana tiyuhu madaxwaynaha uga warbixiyey shaqooyinka iyo waajibaadka ay ciidanka booliiska u hayaan iyo sida ay marwalba ugu heelan yihiin sugida amniga gudaha dalka iyo sidoo kale ladagaalanka mukhaadaraadka ka soo gudba xuduudaha dalka.

 

” Waxaanu diyaar u nahay waajibaadka Dawladda iyo Tilmaanta Madaxweynaha inaanu buuxino” S/Gaas Maxamed Aadan Saqadhi.

 

Waxa kale oo Taliye Dabagale madaxwaynaha uu warbxin ka siiyey maandooriyaha khamriga oo habeenadii u dambaysay ciidanka boolisku hawlgalo ay sameeyeen ay ku qabteen gawaadhidii siday khamriga iyo darawaladii gawaadhidaasi wadatayba.

 

"Habeen hore gaadhiwayn oo ay 500 oo listir oo khamri ahi saaran yihiin ayaa hawdka Burco lagu qabtay, gaafhigaasi oo ahaa nooca looyaqaan languruusar ama laylacalaawi iyo labadii eedaysaneba, waxa kale oo shalay subaxdii lagu qabtay magaalada Hargaysa galbeedkeeda gaadhi nooca yar yar ah oo ay saaran yihiin ilaa 15 kartoon oo khamri ah” ayuu yidhi taliyaha ciidanka booliska Somaliland.

 

Taliyaha ciidanka booliska Somalland ayaa madaxwaynah si hoose ugu wareejiyey madaxwaynaha somaliland mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabidalahi ciro tirade ciidanka booliska, saraakhiishu inta ay ka kooban tahay iyo sidoo kale gawaadhida ciidanku ay adeegsadaan iyo kuwa fadhiya isla markaasina aan shaqayn.

 

Waxa kale oo uu Taliyuhu sharaxaad ka siiyey madaxwaynaha qaybaha kala duwan ee uu ka kooban yahay qaab dhismeedka taliska ciidan ka booliska somaliland waxanu yidhi "Madaxwayne ciidanku waxa u ka kooban yahay Taliye, laba Taliye xigeen, Hogaamo, Qaybo, Waaxyo taliska guud hoos yimaad, Saldhigyo iyo rugo ayuu guud ahaan ciidanka boolisku ka kooban yahay”

 

Geesta kale waxa u sheegay taliyaha cidanka booliska somaliland ayaa intaasi ku daray. " waxa jira 17 sarkaal iyo ku xigeenadooda, 144 sakaal oo istaaf ah o shaqada baladhan eek a socotay taliska guud ee ciidanka caawiya, waxa kale oo jira ilaa 30 sarkaal oo heeganka gala oo aan hada xilhayn, 110 sarkaal ayaa guu ahaan taliska guud ka hawlgala”

 

Taliyaha ayaa sidoo kale ka warbixiyey in ay jiraan hogaamo qabta shaqooyin baaxad leh isgaoo taliyuhu tusaale u soo qaatay hogaanka ciidanka Birmadka isla markaasina gobolada dalka oo dhana laamo ku leh kaasi oo ay u diyaarsan yihiin xarumahoodii iyo gaadiidkii ay ku hawl gali lahaayeen kaasi oo qabta shaqooyinka dheeradka ku saldhiyada, waxa kale oo taliyihu uu la wdaagay madaxwaynaha in hogaanka baadhista dambiyadu isna sidoo kale ka dhisan yahay dhamaan gobolada dalka waxa uu intaasi ku daray in ciidamada kala duwan ee booliska eek a hawlgala dhamaan gobolada ay ka mid yihiin ciidanka ilaalada wadooyinka ee loo yaqaan taraafikada.

 

Gabagabadii waxa uu taliyaha ciidanka booliiska somaliland Sareeye Gaas Maxamed Aadan Dabagale Madaxwaynaha la wadaayey isla markaana uga warbixiyey in afartii sano ee u dambaysay ciidanka booliska Somaliland lagu soo kordhiyey kuliyada tababarada saraakiisha ciidanka booliska somaliland taas oo awood u leh in ay soo saarto saraakiil isla markaana qorsheheeda iyo awoodba leh, isagoo intaasi ku daray in ay jirto waaxda baadhista kaantaroolada.

     
Loading...