Miisaaniyadda noo Ansixiya si Aannu u Bixino Mushaharka Ciidanka iyo Shaqaalaha"

Monday January 20, 2025 - 14:28:19
Hadhwanaagtv
Waxaanu yidhi. "Waxaanu xoojineyna hay'addaha dakhliga soo xareeya...



Wasiirka wasaaradda horumarinta maaliyada Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdillaahi Xasan Aadan, ayaa hor geeyay golaha wakiillada odoroska Miisaaniyada 2025.

 

Wasiirka ayaa golaha Mudaneyaasha golaha wakiillada ka codsaday inay ansixiyaan Miisaaniyada 2025-ka, si loo bixiyo mushaharka ciidamada iyo goleyaasha.

 

Sidoo kale waxa uu sheegay in hadda ay u xaniban yihiin guud ahaan hawl-socod-siintii Qaranka, waxaanu golaha ka codsaday inay si deg deg ah u meel mariyaan.

 

Geesta kale wasiirka horumarinta maaliyada maaliyada iyo dhaqaaluhu waxa uu sheegay in odoroska Miisaaniyada Qaranku ay ka kooban tahay Guud ahaan 3,894,462,279,363 SLSH.

 

Waxaanu yidhi. "Waxaanu xoojineyna hay’addaha dakhliga soo xareeya, waxaanu raadin doona ila dakhli oo cusub, iyo in aanu sal balaadhino dakhliga cashuuraha bariga.

 

Waxaan idina codsanaya inaad ansixisaan miisaaniyada sannadka 2025 maadama dib u dhac badani ku jiro oo la innaga sugayo bixinta mushaharka ciidamada, shaqaalaha, goleyaasha iyo kharashaadkii kala duwan ee hay’addaha dowladda, kuwaas oo ay tahay in aanu bixino 25-ka Bishan haddii ILLAAHEY yidhaahdo.

 

Waxaanu idinka codsaneyna idinka oo waajibaadkiina gudanaya inaad ansixisaan miisaaniyada, si hawlaha Qaranka oo kharash la’aan uwada taagani inoogu bilaabmaan.

 

Wadarta guud ee miisaaniyada Qaranku waa saddex tiriliyan, sideed boqol, sagaashan iyo afar bilyen, afar boqol laba iyo lixdan milyen, laba boqol todobaatan iyo sagaal kun iyo saddex boqol iyo saddex lixdan shilin (3,894,462,279,363 SLSH.), sidaasi ayay tahay wadarta guud ee miisaaniyada Qaranku”

 

Gaba-gabadii Gudoomiyaha golaha wakiillada Somaliland Mudane Yaasin Xaaji Maxamuud Xiir Fartoon, ayaa mudaneyaasha ku wargeliyay in odoroska miisaaniyada lagu wareejiyo gudida dhaqaalaha, Maaliyadda iyo Ganacsiga ee Golaha Wakiilada JSL, waxaanu intaas ku daray in wakhtigu cidhiidhi yahay isla markaana loo baahan yahay in goluhu sida ugu dhakhsaha badan waajibkiisa dastuuriga ah uga guto.

     
Loading...