Taiwan iyo Dawladda Hoose ee Hargaysa oo kala Saxeexday Heshiiska Cusub

Wednesday September 04, 2024 - 14:21:31
hadhwanaagnews
Madasha heshiiska lagu kala saxeexanayay ayaa wax



Heshiis laba geesood ah oo u dhexeeya dawladda Taiwan, dawladda hoose ee Hargaysa iyo wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka Somaliland ayaa lagu kala saxeexday dhismaha jidka hal bawlaha ah ee Madaarka Hargeysa ilaa dugsiga sare ee Maxamuud Axmed Cali.

 

Munaasibada lagu kala saxeexanayay heshiiskan ayaa waxa ay ka qabsoomtay xarunta wasaaradda Gaadiidka iyo horumarinta jidadka Somaliland, taasi oo uu goob joog ahaa wasiirka wasaaradaasi, Maayirka Caasimadda Hargaysa, Safiirada labada dal ee Somaliland iyo Taiwan iyo masuuliyiin kale.

 

Dawladda Taiwan oo ay Somaliland leeyhiin xidhiidh qoto dheer isla markaasi ka taageerta dhinacyada kaabayaasha dhaqaalaha iyo arrimaha Doorashooyinka, Caafimaadka ayaa bilawday inay taageerto dawladda hoose ee Hargaysa iyada oo ka taageeraysa dhismaha jidadka muhiimka ah.

 

Madasha heshiiska lagu kala saxeexanayay ayaa wax aka hadlay Maayirka Caasimadda Hargaysa Cabdikariim Axmed Mooge waxaanu ka warbixiyay jidkan muhiimka ah ee ay ka taageerayso dawladda Taiwan, waxaanu xusay in ay Taiwan uga mahad celinayaan iskaashiga dhinaca jidkan, kaasi oo ay xooga saari doonaa dhismihiisa iyo fulintiisaba.

 

Waxaanu xusay inay ku dedaalayaan inay uga soo baxaan inay u dhisaan sidii loogu talogalay, maadaama uu yahay jid muraayad u ah Caasimadda Hargeysa oo ay soo marayaan ajaaniibta soo booqanaya dalka.

 

Dhankiisa Safiirka Taiwan ee Somaliland Mr. Lee ayaa sheegay inay muhiim tahay in la garab istaago dawladaha hoose si ay u qurxiyaan magaalooyinka, waxaanu xusay inuu aad ugu faraxsan yahay iskaashigan cusub ee ay la yeelanayaan dawladda hoose ee Hargasa, waxaanu ku dheeraaday muhiimada jidka dhismihiisa ay qorshaynayaan.

 

Gaba-gabadii wasiirka wasaaradda Gaadiidka iyo horumarinta Jidadka Somaliland Mudane Raabi Cabdi Maxamed, ayaa xusay in dawladda Taiwan ay Somaliland kala shaqayso mashaariic badan oo dhismaha jidkani ka mid yahay isla markaasina ay tahay kaliya iskaashigii oo sii xoogaystay.

 

Wasiirka ayaa sheegay in dhismaha jidkan wax wayn ka badeli doono bilicda iyo quruxda magaalada, waxaanu u mahad celiyay dawladda Taiwan sida wanaagsan ee ay markasta u garab taagan tahay Somaliland taageeradana la garab taagan tahay.

     
Loading...