DEG DEG Golaha Guurtida oo Guddi u Saaray Xeerka Xaqsiinta Shaqaalaha Dawladda

Monday September 09, 2024 - 08:43:50
hadhawanaag
Dhinaca kalena, Mudanayaasha Golahaas Guurtida Somaliland...



Mudaneyaasha Golaha Guurtida Somaliland ayaa dood ka yeeshay xeerka hay’adda xaqsiinta shaqaalaha dawladda, kaas oo ka soo gudbay Golaha wakiilladda Somaliland.


 

Fadhigii shalay ee Golaha Guurtiida Somaliland oo uu shir-guddoominaayey Guddoomiyaha Golahaas Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa mudaneyaasha Golahaas waxa ay dooddoodaas kaga warameen ahmiyadda xeerkaas uu u leeyahay shaqaalaha hawlgabka ah iyo sidii loo ilaalin lahaa xuquuqda shaqalaha Dawladda ee hawl-gabka noqday iyo xaqsiintoodaba.


 

Dhinaca kalena, Mudanayaasha Golahaas Guurtida Somaliland waxay dooddaas ka yeesheen Xeerka Hay’adda Xaqsiinta hawlgabka iyo xuquuqda shaqaalaha Dawladda oo ay wax ka beddel iyo kaabis ku sameeyeen qoddobadda kala duwan ee ku jira xeerkaas qaarkood, isla markaasna waxay Mudaneyaashu tilmaameen in Sanduuqa Maaliyadeed ee Hay’addaasyeelan doonto Guddida Maamuli doonta uu soo magacaabi doono Madaxweynaha Qaranka Somaliland Mudane- Muuse Biixi Cabdi.


 

Iyagoo Mudanayaashu doodoodaas ku tilmaamay qofkii dambi gala in aanu xuquuqdiisa waayi karin, balse loo gudbin doono guddida anshaxmarinta, qofkaasina uu qabsan karo Garyaqaano u dooda oo difaaca iyo Guddoomiyaha Hay’addaasi yeelan doonto da’diisu noqon doonto 45 jir, oo aqoon dheeraad ah u leh Arimaha hawlgabka iyo xaqsiinta shaqaalaha Dawladda.


 

Qaar ka mid ahaa Mudaneyaasha Golaha Guurtida Somaliland ayaa shir-guddoonkooda ka codsadey in xeerka hay’adda xaqsiinta hawlgabka iyo xuquuqda shaqaalaha Dawladda lagu wareejiyo Guddi hoosaadka Guddida Arrimaha Bulshadda ee Golahaas, si ay wax ka beddel iyo kaabis ugu soo sameeyaan Xeerkaas.


 

Gaba-gabadiina, Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Mudane- Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa Mudaneyaasha Golahaas u sheegay in ka shir guddoon ahaan ay xeerka hay’adda xaqsiinta hawlgabka iyo xuquuqda shaqaalaha Dawladda ku wareejiyeen Guddi hoosaadka Guddida Arrimaha Bulshadda.

     
Loading...