DEG DEG Golaha Wakiilada Oo Diiday Soo Qabashada Xil.Abiib

Sunday September 08, 2024 - 12:56:33
Hadhwanaag
Dhawaan ayaa xildhibaan Maxamed Abiib waxaa lagu xidhay magaalada Hargeysa
May be an image of 4 people and people studying


Xildhibaanada Golaha Wakiillada Soomaaliland maanta ayaa cod aqlabiyad ah ku diiday codsigii soo qabashada ahaa ee xildhibaan Maxamed Abiib kaas oo hore ay xeer ilaalintu ugu soo gudbisay Golaha Wakiilada Soomaaliland, sidoo kale golaha ayaa hore u diiday in Maxkamad la geeyo xildhibaanka waxna lagu dhex weydiiyo Xabsiga uu ku xidhan yahay balse arintaas ay inta badan ka biyo diideen xildhibaanada golaha wakiiladda Soomaaliland.

Dhawaan ayaa xildhibaan Maxamed Abiib waxaa lagu xidhay magaalada Hargeysa kadib markii uu safar uga soo laabtay dalka isutaga imaaraadka Carabta.

Xarigiisa ayaana waxaa ka dhashay buuq iyo in xisbiyada mucaaradka Soomaaliland ay arintaas ku tilmaameen mid afduub ah sida ay hadalkooda u dhigeen.
     
Loading...