Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa Jimcihi shalay Aqalka Cad kula kulmay Ra’isulwasaaraha Britain Keir Starmer, iyaga oo laba hoggaamiye ka wada hadlay taageerada ay u hayaan Ukraine iyo Israel iyo ammaanka mandiqadda la isku yiraahdo Indo-Pacific.
Biden ayaa u sheegay Starmer in Mareykanka ay
ka go’antahay in uu Ingiriiska ku garab istaago taageeridda Ukraine si ay isaga
difaacaan buu yiri duullaanka gardarrada ah ee Ruushka. Biden ayaa intaasi
raaciyay "Way caddahay in Putin aanu ku guulaysan doonin dagaalkan”.
Kulankan ayaa imanaya xilli xulafada reer
Galbeedka ay ka fakarayaan sidi ay u baddali lahaayeen siyaasaddooda ku aadan
taageerada Ukraine, isla markaana doonaya in Ukraine ay u ogolaadaan in ay dagaalka
ay kula jirto Ruushka u adeegsato gantaallada riddada dheer ee ay ugu deeqeen
dowladaha Mareykanka iyo Ingiriiska.
Madaxda Mareykanka iyo Britain ayaa sidoo kale
ka wada xaajooday rajada laga qabo xabbad-joojin laga gaaro dagaalka Gaza ee
Isra’il iyo Xamaas.
Madaxweyne Biden ayaa billowgi kulanka ka
dhacay Aqalka Cad ka sheegay, in ay ka hadli doonaan dadaallada lagu rabo in
laga miro dhaliyo heshiiska xabbad-joojinta, si buu yiri loo soo daayo la
heystayaasha ila markaana loo gaaro xabbad-joojin deg deg ah, taasoo ay raaci
doonto buu yiri gargaar bani’aadannimo oo la geyn doono Gaza.
Kulanki Jimcihi ayaa ahaa kii labaad oo ay si
fool-ka-fool ah u yeeshaan Biden iyo Starmer, tan iyo inti uu xafiiska looga
taliyo Britain tagay ra’isulwasaaraha cusub bishi July.