Wasiirka Ganacsiga oo Qaabilay Hay'adda Expertise France

Friday June 13, 2025 - 14:35:46
hadhwanaagnews
Kullanka ayaa diirada lagu saaray sidii loo lafa-guri lahaa bilaabista



Waiirka wasaaradda ganacsiga iyo dalxiiska Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Xasan Nuur, oo ay weheliyeen Agaasimaha guud ee wasaaradda, Mudane Maxamuud Xuseen Aadan (Jabaake), iyo Agaasimaha waaxda Dalxiiska iyo Aasaarta Qadiimiga ah, Mudane Caydaruus Cabdi Ismaaciil, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wefdi ka socda hay’adda Expertise France, oo ay si dhow uga wada shaqeeyaan mashruuc la xidhiidha illaalinta aasaarta qadiimiga ah ee dalka.

 

Sidoo kale, waxa kulanka qayb ka ahaa xubno ka mid ah masuuliyiinta wasaaradda oo ay ka mid ahaayeen Ridwaan Cabdirashiid, maamulaha xafiiska wasiirka iyo la-taliyaha Sharciga

 

Kullanka ayaa diirada lagu saaray sidii loo lafa-guri lahaa bilaabista iyo qorshaynta mashruuca illaalinta Aasaarta qadiimiga ah ee dalka, kuwaas oo ay si toos ah uga wada shaqeeyaan wasaaradda iyo Hay’adda Axpertise France.

 

Intii uu kullanku socday waxa si qoto dheer looga hadlay oo diirada lagu saaray dhamaystirka shaqooyinka farsamo ee lagama maarmaanka u ah bilaabista mashruuca, iyo waafajinta qorshaha mashruuca iyo shuruucda dalka u degsan, sidii loo waafajin lahaa.

 

Ugu dambayn, dhammaan qodobadii laga dooday kullankaas ayaa lagu heshiiyey, iyadoo loo ballamay in si deg-degg ah loo guda galo shaqooyinka kala duwan ee mashruuca illaalinta Asaarta Qadiimiga ah ee Somaliland.

     
Loading...