Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo booqday xarunta Maamulka Xogta ee Dowladda Shiinaha

Friday August 02, 2024 - 10:41:25
hadhwanaag
"Xaruntaan wax badan ayaa ka kororsanay, waxaa Sharaf ii ah in Adeegga




Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Aadan Macalin Cali (????????????????????????????????) iyo wefdi uu hoggaaminaayo oo safar shaqo u joogo Magaalada Beijing ee Caasimadda Wadanka Shiinaha ayaa booqday Xarunta Maamulka Xogta ee Dowladda Shiinaha, waxaana halkaas ku soo dhaweeyey Mas’uuliyiinta Xarunta oo Wasiirka warbixin ka siiyey adeegyada ay bixiso iyo kaalinta ay ugu jirto Dowladda Shiinaha.


 

Xaruntan oo ah tan ugu weyn Shiinaha ayaa waxa ay ka shaqeesaa Xogta Dawladda Shiinaha, la socota kaabayaasha dhaqaalaha ee dawladda, fulinta barnaamijka Qaranka ee elektaroonigga ah, Adeegyada Dhijitaalka, iyo Isku xirka Shabakaddaha guud ahaan Wadankaas.


 

Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada Soomaaliya mudane Maxamed Soomaali ayaa sheegay in booqashadaan ay ka faa’iideesandoonaan si gaar ah adeegyada dawladda ee dhigitaalka, waxaana meel fiican Wasaaradda u maraayo Geedi socodka fulinta Dowladnimada Danabeeysan iyo Siyaasadda Dhijitaalka loo dhan yahay.


 

"Xaruntaan wax badan ayaa ka kororsanay, waxaa Sharaf ii ah in Adeegga Dhijitaalka ee danabeesan ay muhiim u tahay fududeenta shaqo maalmeedka loo qabto Bulshada”. Ayuu yiri Wasiir Maxamed Soomaali.


 

Ugu danbeyn Wasiirka ayaa warbixin guud ka siiyey Mas’uuliyiinta Xaruntaan Halka ay Dowladda Soomaaliya ka mareyso Barnaamijyada Dhijitaalka iyo Adeegga e-government, waxa uuna ugu Mahadceliyay sida maqaamka leh ee loo soo dhaweeyey.


 

Dowladda Soomaaliya ayaa ku guuleestay in ay yeelato Sharciga Dhowrista Xogta Qaranka iyo dhismaheeda oo ay ka howlgalaan Shaqaalo u diyaarsan Ilaalinta Xogta Qaranka.

     
Loading...