"Cid Kasta Inaga ayaa ka Adag Dowladda Xamar ee Taagta Daranna Waynu iska Celineynaa…" Madaxweyne Muuse

Wednesday August 28, 2024 - 07:56:22
hadhwanaag
Geesta kale waxa uu sheegay in golaha guurtida, wakiillada,


Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in maanta dalka JSL uu marayo laba marxaladood oo iska hor imanaya, kuwaas oo ah doorasho iyo difaaca qaranka, waxaanu caddeeyay in arrintaasi uu qaranka JSL ka baxayo.


 

Sidoo kale waxa uu bulshada reer Somaliland faray inay meel uga soo wada jeestaan difaaca qaranka  Somaliland iyo doorashada, lana mideeyo quluubta ummada Somaliland.


 

Geesta kale Madaxweynuhu waxa uu sheegay in golaha guurtida, wakiillada, xukuumadda iyo xisbiyada Somaliland ay u midoobeen difaaca dalka, waxaanu hoosta ka xariiqay in golayaasha sharci-dejintu ay ka tashanayaan soo saarista sharcigii Soomaaliya layskaga celin lahaa.


 

Madaxweynaha Somaliland oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi "Dalku maanta laba marxaladood oo iska hor imanaya ayuu marayaa, midi waa doorasho, midna waa difaac, labaduba way adag yihiin, labadaba-na waynu ka bixi karaynaa, markeynu taladeena mideyno, ee danteena meel uga soowada jeesano, reer Baligubadle taasi lagu dardaarimaayo oo hore ayay xoreynta dalka qayb uga ahaayeen, nabadiisana hormood uga ahaayeen, horumarkiisa hormood uga ahaayeen, waxa inoo ballan ah in aynu difaaca iyo doorashadaba u midowno, nafta u hurno labadabana hirgelino haddii ILLAAHEY yidhaahdo”


 

Geesta kale waxa uu sheegay in golaha guurtida, wakiillada, xukuumadda iyo xisbiyada Somaliland ay u midoobeen difaaca dalka, waxaanu hoosta ka xariiqay in golayaasha sharcidejintu ay ka tashanayaan soo saarista sharcigii Soomaaliya layskaga celinlahaa, waxaanu intaas ku daray in dhibkasta oo jirta la saxanayo hawsha doorashaduna ku dhammaaneyso nabadgelyo.


 

Waxaanu yidhi."Goleyaasha siyaasada ka shaqeysa waala canaanta, wax ale iyo wixii cannaan ah iyaga ayaa la saara, xisbiyada iyo golaha wakiillada, golaha guurtida iyo golaha fulinta, ayaa cannaan oo dhan la saara.


 

Guurtida, wakiillada, xukuumadda iyo xisbiyadu waxa ay u midoobeen difaaca dalka, waxaaney labada gole soo jeediyeen in la soo saaro sharcigiii la iskaga celinlahaa dowladda taagta daran e eina soo hawaysatay.


 

Mar haddii aynu sidaasi uga mideysanahay difaaca Qaranka cidkasta innaga ayaa ka adag sidii aynu horeba uga adkaan jirnay, dhibaato kasta oo jirtana waynu saxaynaa, ta doorashadana sidaasi ayay nabadgelyo ugu dhammaaneysa idinkuna taasi ayaad hormood ka noqonaysaan, oo taariikhda ayaa idin faraysa”


 

Gaba-gabadii waxa uu bulshada gobolka Hawd uga mahadnaqay soo dhaweynta muga iyo miisaanka leh ee ay u sameeyeen isaga iyo waftigiisa.


 

Waxaanu yidhi. "Aad iyo aad ayaanu idiinka mahad-celinaynaa soo dhaweynta, kalgacalka, Qarannimada, intii aad maanta na tusteenba aad iyo aad ayaanu idiinka mahad-celinaynaa”

     
Loading...