DEG DEG Oog: Gudoomire XIRSI oo safar ku maraya gobolada Bariga ayaa booqday ciidamada qaranka ee ku sugan furimaha hore ee Oog.

Thursday August 29, 2024 - 17:23:08
hadhwanaag
Guddoomiye Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa kormeer ku sameeyay xeryaha
May be an image of 8 people and tree


Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan oo maalmahanba safar ku marayay gobollada bariga Somaliland ayaa saaka booqasho ku tagay taliska ciidammada qaranka Somaliland ee degmada Oog, waxaana halkaa ku soo dhaweeyay taliyeyaasha iyo saraakiisha kala duwan ee ciidammada qaranka.


Guddoomiye Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa kormeer ku sameeyay xeryaha ciidammada qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, waxaanu ciidammada kala duwan ee qaranka ku bogaadiyay shaqada nafhurnimada ah ee ay dalkooda iyo shacabkooda u hayaan.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale ciidammada qaranka Somaliland u ballanqaaday in ay wax badan ka qaban doonaan xaaladooda nololeed iyo ta qoysaskoodaba.
     
Loading...