Wasiirka Wasaarada Warfaafinta oo soo Dhaweyn u Sameeyay Fannaanada Hibo Nuura

Wednesday September 11, 2024 - 09:59:51
hadhwanaag
Waxaaney tidhi."Istuudiyahan hadda ay wasiirka iyo ku xigeenku..



Wasiirka wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland Mudane Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan) iyo wasiir ku xigeenka Siciid Xasan Habane, ayaa xarunta wasaaradda ku qaabiley fanaanada Hibo Maxamed Guddoon (Hibo Nuura).

 

Fanaanada oo booqasho ku tagtey xarunta wasaaradda warfaafinta ayaa kormeer indha indheyna ku soo martay waaxyaha kala duwan ee wasaaradda, sidoo kale waxa ay tagtey Radio Hargeysa iyo qolka keydka cajaladaha, oo ah goobtii ay ka bilowday heerkeeda faneed ee maalinba meel soo marayay.

 

Hibo Nuura ayaa xusuus muddo dheer ka hor ah gashay waxaaney la qiirootay kadib markii heesaheedii hore laga shiday qolka kaydka cajaladaha ee Radio Hargeysa, waxaaney ka warantay dareenkeeda, taariikhda Radio Hargeysa iyo sidii ay fanka uga soo bilowday xarunta wasaaradda warfaafinta.

 

Waxaaney tidhi."Istuudiyahan hadda ay wasiirka iyo ku xigeenku i ag fadhiyaan ayaa ka bilaabay Aniga 15 jir ah, sidan umu qurux badneyn markii imtixaanka la igaga qaaday, waxa wasaaradda warfaafinta laga qabtayna waxa ay ku tuseyna macnaha dowladnimada aad iyo aadna waan uga mahadcelinayaa.

 

Somaliland waa halkii aan ku dhashay ee aan tallaabada koowaad ka qaaday, markii la isku kay raacay ayaa Xamar la iga dalbaday, wasiirka warfaafinta waan uga mahadcelinaya in uu halkii dib ii xusuusiyo, oo aan dib u fadhiisto, taariikhdeydana kow ayay ka tahay”.

 

Wasiirka wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland Mudane Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan), ayaa fanaanada uga mahadnaqay booqashada ay wasaaradda ku timid, waxaanu ka waramay kaalinta dahabiga ah ee ay fanka Soomaalida iyo Radio Hargeysaba ay ku leedahay.

 

Waxaanu yidhi. "Radio Hargeysa waxa ay ahayd warshadii soo saari jirtay fanaaninta iyo fanka, halkani waxa ay ahayd codbaahiyaha Soomaali ka hadasho meel ay joogtaba, miiskana waa kii ay ka soo baxday iyada oo carruur ah, kaydkaagi faneed ayaa wasaaradda yaala adiga iyo fanaaniintii kale ee kula midka ahaaba”

     
Loading...