Safiirka UK Ee Somaliya Oo ka jawaabay Eedayn Uga Timid Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliya.

Monday August 19, 2024 - 16:09:09
Hadhwanaag
Hadalka wasiirka ayaa ka dambeeyay kaddib markii safiirku...
May be an image of 1 person


Wasiirka Arrimaha Dibadda ee xukuumadda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa cambaareeyay hadal uu bartiisa X kusoo daabacay safiirka UK ee Soomaaliya, kaasoo uu Soomaaliya iyo Somaliland uga dhigayay labo waddan.

Wasiirka ayaa sheegay hadalka safiirka UK kasoo baxay inuu yahay mid aan sinaba loo aqbali karin, isla markaana weerar qaawan ku ah Qaranimada iyo Midnimada Soomaaliya.

Hadalka wasiirka ayaa ka dambeeyay kaddib markii safiirku uu adeegsaday kalmadda Soomaaliya iyo Somaliland xilli uu dhawaan kulan la qaadanayay madaxda hay’adda TheHALOTrust.

Safiirka UK ee Soomaaliya Mike Nithavrianakis oo ka jawaabayay hadalka wasiirka Arrimaha Dibbada Soomaaliya, ayaa xaqiijiyay mowqifka UK ee ku aaddan madax-banaanida dhuleed ee Soomaaliya, isagoo carrabka ku adkeeyay in mowqifka UK uu weli yahay mid si adag u taageeraya Soomaaliya oo mid ah.

Mike waxa uu sheegay farrriintiisii hore inay ahayd mid ku saabsanayd shaqada hay’adda TheHALOTrust oo ay UK taageerto.
     
Loading...