DEG DEG Wasiir Jaamac oo si kulul ugu jawaabay Laftagareen

Tuesday September 10, 2024 - 19:29:13
hadhwanaagnews
SYL-Nimadu Waa Astaan Gobannimadoon, Heeryadiidnimo



"SYL-Nimadu Waa Astaan Gobannimadoon, Heeryadiidnimo Iyo Taariikh Sharafeed Ay Tahay In La Dhowro”Wasiir Jamac.


Waajibka Kowaad Ee Maanta Iyo Goor Walba Oo La Joogo Naga Saaran Jiilasha Naga Dambeeya Waa In Aan Ku Sinno Soomaaliya Oo Mid Ah, Xor Ah, Kheyraadkeeduna Bad Qabo.


Wax Walba Oo Kale Oo Aan Ka Gaabinno Waa Naloo Cafin Karaa, Balse Waajibka Na Saaran Waa In Aan Ammaanadi Ay Awowyaasheen Nagu Soo Simeen Aan U Wareejinno Si Dhammeystiran Oo Nadiif Ah.


Ma Jiro Qof Xaq U Leh In Ku Takrifalo Gobannimada, Midnimada Iyo Danaha Qaranka Soomaaliyeed.

Waxaa Si Gaar Ah Sharaf Noogu Ah Aniga Iyo Inta Ila Midka Ah In Aan Doonta Siyaasadda Iyo U Adeegista Qaranka Aan Ka Soo Raacnay Fagaarayaasha Halganka, Gobannimo U Dirirka, Iyo Iska Caabinta Cadawga Soojireenka Ah Ee Ummadda Soomaaliyeed.


Taariikhda Difaaca Qaranka Soomaaliyeed Waa Qori Isu Dhiib, Marba Heer Soo Mareysay. Waxaana Naga Go’an In Dhimbisha Difaaca Qaranka Oo Nool Aan Uga Tagno Jiilasha Naga Dambeeya.


Si Gaar Ah, Waxaan Ula Hadlayaa Dadkeyga Ka Soo Jeeda Deegaannada Baay, Bakool Iyo Shabeellada Hoose, Marna Ma Dhici Karto In Naloo Hoosaasiyo Cadaw Taariikhi Ah Oo Ay Awoowyaasheen Diideen In Uu Dhulkeena Boobo Dadkeenana Gumeeyo.


Cabdulqaadir Sakhaawadiin Sh Uweys Oo Ahaa Wiil Tunni Ah, Digil Ah Reer Koonfurgalbeed Ah Ayaa Ahaa Aasaasihi SYL Iyo Hoggaamiyihi 13ki Halgamaa Ee Gobannima Doonka Casriga Ah Hoggaamiyay.


SYL-Nimadu Waa Astaan Gobannimadoon, Heeryadiidnimo Iyo Taariikh Sharafeed Ay Tahay In La Dhowro. Xildhibaannada Iyo Siyaasiyiinta Reer Koonfur Galbeedna Waxaan Xasuusinayaa In Kuraasta Ay Ku Fadhiyaan Ay Yihiin Kuraas Gobeed Oo Leh Sooyaal Sharfan Oo Ay Tahay In Si Gaar Ah Loo Dhowro. Waxaan Ku Fadhinaa Kuraas Ay Milkiilayaashooda Dhabta Ah Yihiin Cabdulqaadir Sakhaawadiin, Maxamed Cusmaan Baarbe, Xaaji Maxamed Xuseen Iyo Halgamayaal Aan Tira Lagu Koobi Karin Oo Ah Aabayaasha Halganka Taariikhiga Ah Ee Difaaca Qaranka Soomaaliyeed.


Waxaan Ku Faraxsanahay In Ogaalka Iyo Fahamka Heerkaa Gaarsiisan Ay Leeyihiin Rag Iyo Dumar Badan Oo Maanta Indho U Ah Siyaasadda Koonfur Galbeed. Waxaase Waajib Naga Wada Saaran Yahay In Aan Garbaduub U Xirno Cid Walba Oo Wasakheyneysa Sooyaalka Quruxda Badan Ee Aan Huwannahay.


Deegaannada Koonfur Galbeed Soomaaliya, Iyo Dadka Gobta Ah Ee Daga Uma Qaadi Karno Dhegxumo Iyo Wax Dhaawacaya Sumcaddooda Taariikhiga Ah, Kana Weecsan Taxanaha Sooyaalkooda Gobannima Doonka Ku Asteysan. Qof Walba Oo Naga Mid Ahna Waa In Uu Dareenkaa Qabaa Kuna Dhaqmaa.


Sidaan Taariikhda Ka Baranay, Koonfur Galbeed Iyo Dadkeedu Marna Gogol Soo Dhaweysa Uma Noqon Doonaan Cadawga Taariikhiga Ah Ee Qarannimadeena.


Allow Yaa Darwiishkii Farriin Dabacsan Gaarsiiya;

In Dariiqadii Nooshahoo, Dihina Soo Gaadhay;


Oo Uu Dabkuu Shiday, Rag Kale Dogobyo Sii Saaray;


Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac).

     
Loading...