Wasiirka Warfaafinta JSL oo Hoggaanka Solja kala Shiray Dar-dar galinta Xeerka Saxaafadda Somaliland

Wednesday March 19, 2025 - 12:04:37
hadhwanaagnews
Ururku waxa uu walaac ka muujiyay tacaddiyada ka dhanka ah xorriyadda...



Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Somaliland oo uu weheliyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland ayaa shalay kulan la qaatay Hoggaanka ururka Suxufiyiinta Somaliland ee Solja.

 

Kulankaas ayaa intii uu socday waxaa lagaga wada hadlay arrimaha warbaahinta, xadhigga suxufiyiinta iyo sidii loo dardar gelin lahaa xeerka saxaafadda Somaliland oo horyaala Golaha Wakiillada.

 

Guddoomiyaha ururka SOLJA Shaafici Maxamed Ibraahim ayaa kulankaasi ku soo bandhigtay xadhigga weriyeyaasha ee la xidhay kuwaas oo tiradoodu gaadhayso shan weriye, iyada oo xadhiggooda aan loo marin nidaam sharci ah.

 

Ururku waxa uu walaac ka muujiyay tacaddiyada ka dhanka ah xorriyadda saxaafadda, isaga oo xusay in xadhigga suxufiyiinta uu caqabad ku yahay xorriyadda warbaahinta iyo horumarka dimuqraadiyadda Somaliland.

 

Dhankiisa, Wasiirka Warfaafinta ayaa hoosta ka xariiqay in xukuumadda ka go’an tahay ilaalinta xuquuqda saxaafadda iyo horumarinta warbaahinta. Wasiirku Waxa uu ballan qaaday in wasaaraddu la shaqeyn doonto warbaahinta si loo xoojiyo wada-shaqeynta, loona ilaaliyo madaxbannaanida warbaahinta, lagana shaqeeyo sidii loo dhammeystiri lahaa xeerka saxaafadda Somaliland.

 

Kulanka ayaa lagu soo gabo’gabeeyay is-afgarad ku saleysan in la dardar-geliyo xeerka saxaafadda, laga wada shaqeeyo xallinta cabashooyinka suxufiyiinta, iyo in la xoojiyo wada-shaqeynta SOLJA iyo Wasaaradda Warfaafinta si loo horumariyo saxaafadda Somaliland.

     
Loading...