Gavin Williamson oo Caalamka iyo UK ba ugu Baaqay in si Deg-deg ah loo Aqoonsado Somaliland

Thursday April 10, 2025 - 13:40:54
hadhwanaagnews
Xildhibaanku wuxuu intaas ku daray in marsada Berbera



Xildhibaan Gavin Williamson oo ka tirsan baarlamaanka dalka Ingiriiska, ayaa beesha caalamka iyo gaar ahaan Boqortooyada Ingiriiska (UK) ugu baaqay in ay si degdeg ah u aqoonsadaan qaddiyadda madax-banaanida Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Gavin Williamson wuxuu sidaas ku sheegay warbixin uu ku baahiyay warbaahinta Ingiriiska oo ay soo turjuntay Wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA. waxaannu ku dooday in dawladda fashilantay ee Soomaaliya aanay jalaafayn karin ictiraafka Somaliland.

 

Xildhibaan Gavin Williamson wuxuu xusay in Somaliland tahay dal madax-bannaan, xasilloon oo dimuqraadi ah, halka Soomaaliyana uu ku sifeeyay waddan fashilmay oo ay ka jirto argagixiso, musuqmaasuq iyo budhcadnimo.

 

Xildhibaanku wuxuu intaas ku daray in marsada Berbera iyo madaarka magaaladaasi ay yihiin kaabayaal istiraatiiji ah oo muhiim u ah ganacsiga caalamka iyo hay’adaha amniga ee reer galbeedka, waxaanu carabka ku dhuftay in marinka Bab-el-Mandeb oo ay maraan 12% ganacsiga caalamku.

 

Gavin Williamson wuxuu caddeeyay in Aqoonsiga Somaliland uu ka hortagi doono saameynta Shiinaha, Ruushka iyo Iiraan ee gobolka, kuwaas oo xaqiijiyay inay doonayaan inay la saftaan Soomaaliya si ay u wiiqaan danaha reer galbeedka.

 

Xildhibaanku wuxuu sharraxay in ay Somaliland leedahay sooyaal dheer oo doorashooyin dimuqraadi ah iyo maamul shaqeynaya, taas oo ka dhigaya waddan mudan aqoonsi, si ka duwan Soomaaliya.

 

Gavin Williamson wuxuu ku boorriyay dunida reer galbeedka in ay ictiraafaan Somaliland, si looga hortago in fursad muhiim ah la siiyo dawladaha kelitaliska ah.

     
Loading...