Wasiirka Maaliyada Somaliland Oo u Jooga Safar Shaqo Kenya

Friday April 11, 2025 - 13:20:18
hadhwanaagnews
Safiirka ayaa Weftiga uga warbixiyay hawlaha ay Safaaraddu
May be an image of 5 people

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha  Somaliland oo uu weliyo Agaasimaha guud ee Wasaradda oo safar shaqo ku jooga Magaalada Nairobi ayaa booqasho ku tegay Xarunta Safaaradda Jamhuuriyadda Somaliland ee dalka Kenya halkaas oo uu ku qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda Somaliland u jooga dalka Kenya Amb. Mohamed Ahmed Mohamud

Safiirka ayaa Weftiga uga warbixiyay hawlaha ay Safaaraddu qaranka u qabato iyo qaybaha kala duwan ee ay ka koobantahay isaga oo Wasiirku Safiirka uga mahad celiyay shaqada wax ku oolka ah ee ay dalka iyo dadkaba u hayaan.

Wasiirku muddada uu joogo dalka Kenya waxa uu kulamo la qaadan doonaa saaxiibada Somaliland ka taageera dhinaca Horumarka.

     
Loading...