Madaxweynaha Somaliland oo ka Hadlay Xaalada Guud ee Dalka

Monday April 21, 2025 - 10:45:22
hadhwanaagnews
Geesta kale waxa uu sheegey inkasta oo ay jiraan caqabado...



Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, oo khudbad sannadeedkii dastuuriga ahayd u jeediyay labada Gole Baarlamaan, ayaa ka hadlay xaalada guud ee dalka, waxaanu sheegay in Somaliland ay ka soo doogeyso duruufo adag oo ka dhashay culeysyaddii hoos u dhaca dhaqaale ee soo jiitamayey saddexdii sanno ee uu danbeeyay.

 

Sidoo kale waxa uu xusay in Somaliland ay ka soo kabaneyso Nabadgelyadii iyo wadajirkii qaranka ee wiiqmay, hoos u dhicii ku yimid geedi-socodka dimuqraadiyadda JSL iyo is-mari-waagii siyaasadeed ee sababay dib u dhacii doorashooyinka.

 

Geesta kale waxa uu sheegey inkasta oo ay jiraan caqabado haddana in xaalada guud ee dalku maanta meel fiican mareyso, isla markaana ay tahayna wax ALLE loogu mahadnaqo

 

Waxaanu yidhi "Mudane Guddoomiye, mudanayaal shir-guddoonka labada gole ee Guurtida iyo Wakiillada, xildhibaannada labada aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Somaliland, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, madaxda xisbiyada qaranka, Xubnaha golaha wasiirrada, Taliyeyaasha ciidamada kala duwan ee qaranka, guddoomiyaha Gobolka Maroodijeex, Duqa Caasimadda Hargeysa, Hoggaamiyeyaasha bulshada qaybaheeda, haweenka, dhalinyarada, iyo guud ahaan muwaadiniinta Jamhuuriyadda Somaliland gudo iyo dibedba.

 

Dhammaantiin A-Salaamu Calaykum wa raxmatullaahi wa barakaatuhu.

 

Anniga oo ixtiraamaya Barlamaanka sharafta leh ee Jamhuuriyadda Somaliland, isla markaana gudanaya waajibka dastuuriga ah ee i faraya in aan idinka warbixiyo xaaladda guud ee dalka, iyo qorshaha geeddiga aynnu hore ugu sii soconayno.

 

Waxa aan ku bilaabayaa ducada iyo xuska ay innaga mudan yihiin, dhammaan halyeeyadii Qaranka kala soo dabbaashay marxaladihii kala dambeeyey ee la soo maray.

 

Kuwii naftooda u huray gobannimada, hoggaamiyeyaashii kala dambeeyey ee umaddan u soo adeegay, iyo geesiyada imika dirayska u xidhan adkaynta nabadda, iyo ilaalinta, quweynta Qarannimada aynu ku naalloonayno.

 

Waxa aan mar kale xaqiijinayaa waajibnimada Qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland iyo in aan gorgortan laga geli karin wadajirka, israacsanaanta dhuleed, qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland, dhowrsoonaanta sooyaalkeeda, hiddaha iyo dhaqankeeda ummaddeeda.”

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, waxa uu intaasi raaciyay "Mudane Guddoomiye; Qarankeennu waxa uu marayaa marxalad muhiimad gaar ah leh, Marxalad ay waajib tahay in aynnu jaangoyno jihada aynnu mustaqbalka u dhaqaaqayno.

 

Waxa aynu ka soo doogaynaa duruufo adag oo ka dhashay culaysyadii hoos u dhaca dhaqaale ee soo jiitamayey saddexdii sanno ee u dambeeyey, Nabadgelyadii iyo wadajirkii qaranka ee wiiqmay, hoos u dhicii ku yimid dimuqraadiyaddeenna iyo is-mari-waagii siyaasadeed ee sababay dib u dhacii doorashooyinka.

 

Boqolkii maalmood ee ugu horreeyey muddada ay Xukuumadaydu xilka haysay, Tallaabooyin muhiim ah oo Istaraatjiyadeed ayey qaaday, si ay dib ugu dhisto kalsoonida muwaadinka, una adkayso dhidibbada nabadda isla markaana ay hirgeliso isbeddelkii ay ballanqaaday ee ummadu ay ku siisay kalsoonida.”

 

Madaxweynaha Somaliland oo ka hadlayay ammaanka guud ee dalka Somaliland waxa uu yidhi "Maanta ammaanka guud iyo nabadgelyadu way sii xoogaysanayaan, dhaqaalihii xasilooni iyo dhaqdhaqaaq koboc abuuraya ayaa galay, Dib-u-habayn ballaadhan baa ka socota garsoorkii iyo nidaamkii maamul ee hay’adaha dawladda, adeegyadii dadweynaha iyo arrimihii bulshadu way fidayaan.

 

Xidhiidhkii aynu dunida la lahayn iyo iskaashigii caalamiga ahaana firfircooni iyo dhiig cusub ayaannu gelinnay.

 

Waxaa ka sii muhiimsan, in la soo celiyey wax-wada- lahaanshiyihii qaybaha kala duwan ee muwaadiniinta iyo in si intii hore ka badan looga qaybgeliyey hoggaanka iyo talada mustaqbalka dalka.

 

Waxaas oo dhan oo jira, haddana weli waxaa ina horyaalla caqabado aan la dhayalsan karin, in dhaqaaluhu si buuxda u soo kabto waxa ay u baahan tahay in khayraadkeenna aynu si run ah uga faa’idaysanno, adkaynta nabadda iyo wadajirkana shaqo badan ayaa weli u hadhsan.”

     
Loading...