Shir-waynaha heer Qaran ee dhaqanka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa shalay magaalada Hargaysa lagu soo gebo’gabeeyay, kaasi oo labadii maalmood ee u danbeeyay socday. Waxaana laga soo saaray war-muriteed la xidhiidha waxyaabihii la iskula qaatay shirweynahaasi.
Shir-waynahan ayaa waxa soo qaban qaabisay wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wacyigalinta jamhuuriyadda Somaliland, waxaana lagu gorfeeyay qodobo aad muhiim u ah dhaqanka soo jireenka ahaan ee bulshada Somaliland iyo doorka jiritaanka hidaha iyo dhaqanka, isbadelka iyo bur-burka ku yimaada dhaqanka, saamaynta Tiknoolajiyadu ay ku leedahay dhaqanka, ilaalinta agab dhaqameedkeena soo jireenka ah iyo cilmi baadhista Afka, fanka, dhaqanka iyo suugaanta.
Shir-waynaha dhaqanka Somaliland ayaa waxa ka soo qayb galay dhammaan bahda dhaqanka Somaliland, kuwa hal-doorka u ah waxaanay soo jeediyeen talooyin lagaga baxayo qabyaalada iyo dhaqanka sii lumaya.
Gebo’gabada shir-waynaha dhaqanka Somaliland ayaa waxa laga soo saaray qodobo waawayn oo loogu talogalay in lagu xakameeyo arrimaha dhaqanka iyo qabyaalada, waxa ka soo baxay war-murtiyeedkan iyo qodobadan oo uu shirk ku baaqayo.